Washington State

Office of the Attorney General

Attorney General

Bob Ferguson

Adeegsiga Xogta Diiwaanka Danbiga loo adeegsado Shaqaalaysiinta dadka

 

Sanadkii 2018, Baarlamaanka ayaa ansixiyay Washington Fair Chance Act (Sharciga Fursada Cadaalada ah ee Washington), Revised Code of Washington (RCW, Xeerka Dib Loo eegay ee Washington) cutubka 49.94, si loo difaaco shaqo codsadayaasha leh diiwaanka danbiga si ay si cadaalad ah ugu tartamaan fursadaha shaqo ay haddii kale u qalmi lahaayeen. Si taas loo helo, sharciga waxaa ku jira shuruudaha soo socda:Sharciga Fursada Cadaalada ah ee Washington

Xayeysiinada Shaqada
Loo shaqeeyaasha sharcigu qabanaayo uma xayiisiin karaan fursadaha shaqada qaab ka reebaaya dadka soo maray fal danbiyeedyada inay codsadaan shaqada. Xayeysiinada dhahaaya "lama ogola dadka danbiga soo maray," "lama ogola dadka danbiyada soo maray," ama haddii kale sheegaaya fariimaha kuwaas lamidka ah waa mamnuuc.

Codsiyada Shaqada
Loo shaqeeyaasha sharcigu qabanaayo kuma dari karaan shaqo wax su'aal ah oo codsanaysa xog ku saabsan diiwaanka danbiga ee codsadaha.

Hanaanka Shaqaalaysiinta
Loo shaqeeyaasha sharcigu qabanaayo ma samayn karaan wax kamid ah waxyaabaha soo socda ilaa kadib loo shaqeeyuhu uu xili hore go'aasado maahee in codsaduhu uu si kale ugu qalmo shaqada:

  1. Inay afka ka waydiiyaan ama qoraal uga codsadaan diiwaanka danbiga ee codsadaha;
  2. Inay xogta ku qaadaan nidaamka hubinta danbiyada qofku soo maray;
  3. Inay qaab kale ku helaan xog la xariirta diiwaanka danbiga ee codsadaha;  
  4. Inay dhaqan gashaan xeerar ama farsamooyin si ootomaatig ah ama qayb ahaan meesha uga saaraaya codsadayaasha shaqada ee danbiyada soo maray, ayna ku jirto in la diido codsadaha sabab la xariirta inay sheegi waayeen danbiyada ay soo mareen.

Loo shaqeeyaasha Sharcigu qabanaayo
Loo shaqeeyaasha Sharcigu qabanaayo waxaa kamid ah wakaaladaha dawlada, shaqsiyaadka gaarka ah, ganacsiyada iyo shirkadaha, qandaraasleeyda, wakaaladaha shaqaalaysiinta ku meelgaarka ah, barnaamijka tababarka iyo shaqo barista, iyo wakaaladaha shaqo gaynta, gudbinta, iyo shaqada. Sharcigu waxa uu qabanayaa dhammaan loo shaqeeyaasha, ayadoon laga eegayn tirada shaqaalaha u shaqeeya.

Sharcigaan ma qaban karo loo shaqeeyaasha shaqaalaysiinaaya qof qaban doona ama la joogi kara asagoon la kormeerayn carruur, waayeel nugul, ama shaqsiyaad nugul; wakaaladaha sharci fulinta ama cadaalada danbiyada ee Washington; Xarumaha dhaqaalaha, shirkadaha qaranka ama kuwa diiwaan gashan ee amaanka, ama loo shaqeeyaasha kale ee uu u fasaxaayo ama uu qasab uga dhigaayo sharcigu inay codsadaha waydiiyaan taariikhdiisa danbiyada sababo la xariira shaqada uu codsanaayo; ama loo shaqeeye doonaaya mutadawiciin aan shaqaale ahayn.

Hanaanka Cabashada
Civil Rights Division (Waaxda Xaquuqda Madaniga ah) waxay aqbashaa cabashooyinka la xariira in loo shaqeeye sharcigu qabanaayo uu adeegsada diiwaanka danbiga si uu codsade uga reebo fursada shaqada kahor intaan la go'aamin in qofku u qalmi lahaa shaqada haddii aan laga eegin diiwaanka danbiga. Waxaad nagalasoo xariiri kartaa fairchancejobs@atg.wa.gov ama waxaad fariin noogu reebi kartaa laynkeena bilaashka ah oo ah (833) 660-4877. Waxaad sidoo kale cabasho kusoo gudbin kartaa adoo adeegsanaaya foomka oonleenka ah kadibna xubin shaqaalaha kamid ah ayaa kugusoo warcelin doona.  Qof kasta ayaa cabasho kasoo gudbin kara xayiisiin sharci daro ah ama qaab shaqaalaysiin, maaha keliya codsadayaasha shaqada ee uu falku saameeyay.