Soo sheeg Nacayb. Hel Taageero.
Haddii ay adiga kugu dhacday ama qof kale ku dhacday, kaligaa ma tihid: Waxaan halkaan u joognaa si aad u soo sheegto nacaybka aadna u heli lahayd taageerada aad u baahantahay.
Aan xaaladaha degdega ah Ahayn
Hate Crimes & Bias Incidents Hotline
Shaqaalaha qaabilsan uur-kutaalada laga bilaabo 9ka subaxnimo ilaa 5ta galabnimo xiliga Pacific, Isniinta-Jimcaha.
Helista tarjumaada oo ah in ka badan 240 luuqadood.
Waxaan aqbalnaa dhammaanba wicitaanada Relay.
Waxaad noogu soo gudbin kartaa oonleen xili walba:
Soo sheeg Dhacdo Eex ama Danbi Nacayb ah (Ingiriisi)Soo sheeg Nacayb. Hel Taageero.
Si lamid ah goobaha kale, bulshooyinka ku nool Washington waxaa sameeyay nacayb iyo eex. Federal Barue of Investigation (FBI, Hay'adda Danbi-baarista Federaalka) waxay sheegtay in Washington ay ahayd mid kamid ah shanta gobol ee laga soo gudbiyay warbixinada danbiyada nacaybka ah ee ugu badan teer iyo 2018. Dhacdooyinkaanu waxay si qoto-dheer u waxyeelaynayaan dadka waxayna ka dhigayaan kuwa dareemaya nabadgalyo la'aan ama aan laga dooneyn bulshooyinkooda dhexdooda. Danbiyada nacaybka ah iyo dhacdooyinka eexda ah mar walba lama soo gudbiyo, sidaa darteed macluumaad buuxa kama hayno sida ay mar walba ku dhacaan. Waxaan dooneynaa in Washington noqoto mid soo dhaweyn leh, loo dhanyahay, qof walbana ammaan ku helo.
Hate Crimes & Bias Incidents Hotline (Khadka teleefoonka Dhacdooyinka Eexda iyo Danbiyada Nacaybka ah) waa halka aad usoo sheegi karto nacaybka taageerana aad ka heli karto. Khadka waxaa loogu talagalay taageerista dhibaneyaasha iyo inuu gacan ka gaysto la socoshada danbiyada naceybka ah iyo dhacdooyinka eexda ah. Waxaan doonaynaa inaan:
- Taageerno dadka goobjooga u ahaa ama lagula kacay dambiyada nacaybka ah iyo dhacdooyinka eexda ah.
- Ku xirno dadka adeegyada caawin kara. Ma nihin boolis, umana gudbino boliska inaad adigu ogolaato maahane.
- La socodsiino baarlamaanka Washington, gudoomiyaha gobolka, hay'adaha sharciga, iyo bulshada heerka dhibaatadu gaarsiisan tahay.
Khadka teleefoonku waa khad loogu talagalay soo gudbinta xaaladaha aan degdga ahayn. Haddii wax khatar ah dhacayaan waqti xaadirkaan,, fadlan wac 911.
Halkaan riix si aad wax badan uga barato waxa ku dhacaya khadka teleefoonka. (Ingiriisi)Taariikhda Shuruucda Danbiyada Nacaybka ah iyo Dhacdooyinka Eexda ee Washington
Halkaan riix si aad wax badan uga ogaato shuruucda hada jira iyo kuwii lasoo dhaafay ee danbiyada nacaybka iyo dhacdooyinka eexda ah ee Washington. (Ingiriisi)Mala kulantay ama marqaati maka noqotay dambi nacayb ku saleysan ama dhacdo eex?
Sida ku cad sharciga Washington, danbiga nacaybka ah waa xadgudubka khatarta ah oo ulakaca ah, ama handadaada qofka ama waxyeelo jireed ama mid hantiyadeed taasoo lagu kaco qofka ayada oo ay sabab u tahay fikrad laga qabo isirka, midabka, diinta, faraca, waddanka uu qofku kasoo jeedo, nooca rabitaakiisa galmada, jinsiga ama aqoonsigiisa, ama naafanimadaiisa.
- Arintaan waxaa kamid noqon kara: Dhaawac jireed ama xadgudub loo gaystay qof kale
- Waxyeelaynta hantida
- Handadaada loo gaysto qof ama koox kale oo dad ah sabab la xiriirta "cabsi macquul ah" oo ah in waxyeelo jireed ama hantiyadeed ay dhici karto
Dhacdada eexda ah , sida waafaqsan sharciga Washington waa in loo muujiyo cadaawad ama nacayb qof kale ayadoo lagu saleynaayo isirkiisa saxda ah ama loo malaynayo, midabkiisa, diintiisa, caqiidadiisa, faraciisa, wadanka uu kasoo jeedo, muwaadinimadiisa ama xaaladiisa soogalootinimada, jinsia, galmada, nooca galmada, nooca jinsiga ama loo aqoonsanyahay, naafonimada dhimirka, jirka, ama dareenka, isticmaalka eyga tababaran ee wax haga ama xayawaanka la adeegsado, ama xaalada halyeynimo ama ciidanimo ee shaqada ka fariistay taasoo aan gaarayn heerka danbiga nacaybka ah. Tusaalooyinka dhacdooyinka eexda ah waxaa kamid ah laakiin aan ku koobneyn:
- Adeegsiga luuqad cay ah oo ku socota qof kale ayada oo lagu saleynaayo isirkiisa dhabta ah ama kan loo malaynayo, jinsiga, diinta, ama aqoonsiga la ilaaliyay.
- Abuurista takoor ama sawiro caay ah ama u sawirada qof sida aad ka aaminsan tahay ayadoo lagu saleynaayo qowmiyada, jinsiga, diinta, ama aqoonsi kale.
- Ku maadaysiga naafanimada ama dhaqamada iyo caadooyinka qofka.
Other Languages