Washington State

Office of the Attorney General

Attorney General

Bob Ferguson

Hawl fududaynta Haweenka uurka leh iyo kuwa Naaska nuujinaaya

Sharciga Washington ayaa siinaaya xaquuqda madaniga ah oo gaar u ah shaqaalaha uurka leh. Difaacyadaan waxay quseeyaan shaqaalaha uurka leh iyo kuwa qaba xaaladaha caafimaadka ee uurka la xariira, oo ay ku jiraan xaaladaha caafimaadka ee inta lagu jiro uurka iyo kadib dhalashada ilmo, sida baahida naas nuujinta ama caano iska lisida. Haddii shaqaale uur leh ay u shaqayso loo shaqeeye leh shaqaale gaaraaya 15 ama ka badan, loo shaqeeyaha waxaa laga doonayaa inuu siiyo hawl fududeeyaasha macquulka ah ee soo socda shaqaalaha:Xaquuqda Hawl Fududaynta ee Shaqaalaha Uurka leh

  1. Inuu siiyo nasiinooyinka joogtada ah, muddada dheer, ama waqtiyada kala duwan leh ee qolka nasiinada;
  2. Inuu wax ka badello xeerka mamnuucaaya cunto ama cabitaan xarunta lala yimaado;
  3. Inuu siiyo Fadhi ama in loo oggolaado shaqaalaha inay fariisato marar badan; iyo
  4. In laga ilaaliyo qaadista culays ka badan 17 boon.

Waxaa intaas dheer, shaqaale uur leh ayaa lahaan karta xaquuqo ku aadan hawl fududaynta goobta shaqada, illaa iyo intaysan jirin dhibaato wayn ama qarash badan oo loo shaqeeyaha uga baxaaya. Kuwaani waa:

  1. Dib u qaabaynta shaqada, ayna ku jiraan wax ka badelka jadwalka shaqada, shaqo kale in loo dhiibo, badalida goobta shaqada, ama siinta qalab;
  2. Inuu u sameeyo u wareejinta ku meel gaar ah oo loo wareejiyo meel ka buuq ama khatar yar tan hadda;
  3. Siinta dookhyo kaladuwan oo jadwalka ah hooyooyinka ilmaha sida;
  4. Inuu siiyo waqtiga nasiinada oo macquul ah si shaqaaluhu iskaga listo caanaha naaska muddo labo sano ah kadib marka ilmuhu dhasho xili kasta oo shaqaaluhu ay u baahato inay caanaha iska listo iyo inuu siiyo meel gaar ah, oon ahayn musqusha, haddii goobta noocaas ah ku taallo goobta ganacsiga ama shaqada, taasoo ay shaqaaluhu u adeegsanayso inay caanaha naaska iskaga listo. Haddii goobta ganacsigu aysan u hayn shaqaalaha meel ay caanaha iskaga listo, loo shaqeeyuhu waa inuu kala shaqeeyo shaqaalaha aqoonsiga meel ku habboon iyo jadwalka shaqada si loo fududeeyo baahiyaheeda; iyo
  5. Inuu siiyo hawl fududayn kasta oo dheeraad ah oo shaqaale u baahato.

Loo shaqeeyaashu kama codsan karaan shaqaalaha caddeynta qoraalka ah ee dhakhtarka si ay u baxshaan hawl fududaynada ku qoran qodobada 1–4 ee kore. Loo shaqeeyaashu waxay codsan karaa cadaynta qoraalka ah oo ka timaada dhakhtar lana xariirta baahida hawl fududaynta ku qoran qodobada 5–9 ee kore, ama xadigga qaadista 17 boon ama ka yar.

Loo shaqeeyaasha waxaa mamnuuc ka ah aargoosi ka dhan ah shaqaalaha uurka leh ee codsada mid kamid ah isbadelladaan, u diidista fursadaha shaqada shaqaalaha uurka leh ee haddii kale u qalmi lahaa, ama ku qasbida shaqaalaha uurka leh inay shaqada ka baxaan haddii fursad kale loo fidin karo. Waxaa intaas dheer, shaqaalaha uurka leh ee qaba naafada la xariirta uurka ayaa lahaan kara xaquuq dheeraad ku ah mida kor ku qoran.

Civil Rights Division (Waaxda Xaquuqda Madaniga ah) ayaa qabanaysa cabashooyinka ku aadan in loo shaqeeye uu ku guul daraystay inuu hawsha u fududeeyo shaqaale uur leh. Waxaad nagalasoo xariiri kartaa pregnancy@atg.wa.gov ama waxaad fariin noogu reebi kartaa laynkeena bilaashka ah oo ah (833) 660-4877. Waxaad sidoo kale cabasho kusoo gudbin kartaa adoo adeegsanaaya foomka oonleenka ah kadibna xubin shaqaalaha kamid ah ayaa kugusoo warcelin doona.

 


TUSMADA HAWL FUDUDAYNTA UURKA EE SHAQAALAHA IYO LOO SHAQEEYAASHA

Xaashidaan xogta ee halka bog ah waxay xog ka bixinaysaa hawl fududaynta gaar ah ee uu sharciga gobalka Washington siinaayo shaqaalaha uurka leh. Xaashida waxaa loo sameeyay in lagu wargeliyo shaqaalaha iyo loo shaqeeyaasha xaquuqdooda iyo waajibaadkooda sharcigu faraayo, waxaana lagu heli karaa Ingiriis iyo Isbaanish labadaba.

Xaashidu waxay sharaxaysaa sharciyada hawl fududaynta shaqaalaha uur leh, xaquuqaha shaqaalaha uurka leh ay ku helayaan goobta shaqada, noocyada farsamooyinka mamnuuca ka ah loo shaqeeyaasha, iyo sida shaqaalaha uurka leh ay usoo sheegi karaan xad gudubyada ka dhanka ah hawl fududaynta shaqaalaha uurka leh.