Ogoosto 12, 2025
SEATTLE —Washington waxay ka billoowday tijaabada khadka teleefoonka danbiyada nacaybka ah iyo dhacdooyinka eexda ah saddex ismaamul oo gobolka ah. Marka la eego jaantusyada Federal Barue of Investigation (FBI, Hay'adda Danbibaarista Federaalka) waxay sheegtay in Washington ay ahayd mid kamid ah shanta gobol ee laga soo gudbiyay warbixinada danbiyada nacaybka ah ee ugu badan teer iyo 2018. Khadka teleefoonka ee xaaladaha aan degdega ahayn wuxuu siinayaa dadka ku nool ismaamulada Clark, King, iyo Spokane qaab kale oo ay kusoo gudbin karaan danbiyada nacaybka ah iyo dhacdooyinka eexda ah.
Danbiyada nacaybka ah iyo dhacdooyinka eexda ah waxay saamayn xun oo waarta ku yeelanayaan shakhsiyaadka, qoysaska, iyo bulshooyinka, ayaga oo dadka dareensiinaya inaan lagu soo dhaweynayn ama aysan nabadgalyo ku haysan meesha ay ku noolyihiin. Shaqaalaha khadka teleefoonka ayaa dadka soo wacaya ka caawinayaa inay helaan adeegyo taageero oo dhaqankooda ku habboon, uur-kutaaladana loogu talagalay, iyo, marka ay helaan ogolaanshaha soo wacaha, inay ka caawiyaan in dhacdooyinka loo soo gudbiyo hay'adaha sharciga ee maxaliga ah.
Khadka teleefoonka waxaa laga heli ayada oo la wacayo 1-855-225-1010. Qof walba oo doonaya inuu soo gudbiyo danbi nacayb ah ama dhacdo eex ah oo ka dhacday saddexda ismamaul ee tijaabada ah wuxuu sidoo kale booqan karaa atg.wa.gov/report-hate.
Lagislature (Baarlamaanka) ayaa sameeyay khaka teleefoonka 2024 markii uu meelmariyay Senate Bill 5427 (Sharciga Sanatarada) (Ingiriisi) taageero labada xisbiba ah. Sharcigu wuxuu waajibinayay barnamaij tijaabo ah, waxaana maamulaya Attorney General’s Office (Xaafiiska Garyaqaanka Guud), khadka teleefoonka saddex ismaamul oo gobolka Washington ah — oo ay kamid yihiin mid kajira bariga Washington. Saddexda ismaamul waxaa loo doortay ayada oo lagu salaynaayo xogta danbiyada nacaybka ah ee laga hayay 2023 Annual Crime Report (Warbixinta Sannadlaha ah) ee Washington Association of Sheriffs and Police Chiefs iyo bulshada ismaamulada.
Barnaamijka tijaabada ah wuxuu sii shaqayn doonaa sannad iyo bar, kaddibna waxaa khadka teleefoonka laga bilaabi doonaa gobolka oo dhan ugu danbayn Janaayo 2027. Danbiyada nacaybka ah iyo dhacdooyinka eexda ah inta badan lama soo sheego, xogta laga hayo heerka ay marayaana waa mid kooban. Laga bilaabo Luulyo 1, 2027, Attorney General’s Office wuxuu soo saari doonaa warbixin sannadle ah oo faahfaahinaysa xogta laga aruuriyay warbixinada khadka teleefoonka si uu ugu gudbiyo guddoomiyaha gobolka iyo Legislature ka gobolka, iyo bulshada kaasoo khuseeya danbiyada nacaybka ah iyo dhacdooyinka eexda ah.
"Danbiyada nacaybka ah kaliya ma waxyeeleeyaan shakhsiyaadka laakiin waxay waxyeellayn karaan bulshada oo dhan,” Garyaqaanka Guud Nick Brown ayaa yiri. "Guul laga gaaro saddexdaan ismaamul waxay naga caawin doontaa balaarinta khadka teleefoonka ee gobolka oo dhan iyo inaan si fiican u fahamno sida loola dagaalamo danbiyada nacaybka ah iyo dhacdooyinka eexda ah ee Washington oo dhan.”
Xubnaha kooxda talobixinta iyo saraakiisha maxaliga ah ayaa bixiyay warbixinada soo socda ee ku saabsan daahfurka tijaabada khadka teleefoonka:
"Waxaan qaadnay talaabo muhiim ah 2019 anaga oo badalnay shuruucdeena danbiyada nacaybka ah — laakiin kororka nacaybka iyo dhacdooyinka eexda ah waxay wali muujinayaan in wali loo baahanyahay in wax laga qabto,” waxaa yiri Senatar Javier Valdez, D-Seattle, kaasoo maalgaliyay sharciga samaynaya khadka teleefoonka. "Taasina waa sababta khadkaan teleefoonku muhiim u yahay. Ma ahan siyaasad — waa arin dadka khusaysa. Waxaa loogu talagalay in la hubiyo in qof walba oo dhibane ah la dhegaysto lana taageero.”
"Marka ay dhacdo in maamulka federaalku noqdo mid cadaawad leh oo hurinaya dhibaatooyinka ka dhanka ah bulshooyinka nugul, dad badan oo ku nool Ismaamulka King ayaa la noolaanaya cabsi iyo hubanti la'aan,” waxaa yiri Guddoomiyaha Golaha Ismaamulka King Girmay Zahilay. Waxaa sharaf ii ah inaan Attorney General’s Office kula soo biiro hindisahaan waxaana u mahadcelinayaa hogaamiyeyaasha bulshada ee ka qaybqaatay daah-furkaan. Si wadajir ah, waxaan sii wadi doonnaa inaan anaga oo midaysan kahortagno nacaybka.”
“Spokane waxay soo dhaweynaysaa daah-furka Hate Crimes & Bias Incidents Hotline (Khadka teleefoonka Danbiyada Nacaybka ah iyo Dhacdooyinka Eexda ah) ee cusub waxaana sharaf u ah inay kamid noqoto saddexda goobood oo marka koowaad lagu tijaabinayo,” waxaa sidaas tiri Duqa Spokane Lisa Brown. “Our Office of Civil Rights, Equity, and Inclusion (Xaafiiskeena Xuquuqda Bulshada, Sinnaanta, iyo Wadajirka) wuxuu kooxda Garyaqaanka Guud kala shaqeeyay diyaarintiisa, waxaana arrintaan u aragnaa aalada muhiim u ah horumarinta soo gudbinta iyo xaqiijinta isla xisaabtanka bulshadeena oo dhan.”
"Waxaan ku faraxsanahay in ismaamulka Spokane uu hormuud u yahay hanaanka asaga oo tijaabinaya barnaamijka Hate Crimes Hotline,” waxaa sidaas yiri Guddoomiyaha Ismaamulka Spokane Amber Waldref. “Waxaan ku rajo weynahay in aaladaanu abuuri doonto fursad cusub oo dadka deegaanku kusoo gudbiyaan danbiyada nacaybka ah ee dhici kara si loo hubiyo ammaanka iyo badqabka qof walba oo bulshadeena kamid ah.”
“Khadkaan teleefoonku waa talaabo muhiim ah oo loo qaaday jihada hubinta in dadku dareemaan nabadgalyo marka ay soo gudbinayaan danbiyada nacaybka ah,” waxaa sidaas yiri Booliska Ismaamulka Clark John Horch. “Waxaan doonaynaa in qof walba oo bulshadeena ah ogaado in codkiisu muhiim yahay, iyo in uu taageero heli karo.”
“Aasiyaanka, Hawai Dhaladka ah, iyo bulshada Pacific Islander ayaa la kulmay danbiyada nacaybka ah iyo dhacdooyinka eexda ah boqolaal sanno waxayna sii kordheen intii lag jiray cudurkii safmarka ahaa,” waxaa sidaa yiri Thanh Tran, gudoomiye ku xigeenka HAPPEN Business Resource Group. “Dhacdooyinkaanu waa ay sii soconayaan maalin walba, ayada oo aan in badan looga hadlin warbaahinta waaweyn. Waxaan ku rajo weynahay in khadkaan teleefoonku ku dhiirigalin doono dhibaneyaasha inay soo gudbiyaan dhacdooyinkaan si aan awood u siino bulshada uguna dhawaano cadaaladda iyo soo kabashada.”
“Khadka teleefoonku waa aad muhiim u ah sababtoo ah wuxuu qirayaa waxa bulshadeenu mar walb aogyihiin: oo ah in nacaybku uusan kaliya kajirin qeexitaanka sharci ee kooban oo kaliya ee u baahan waxyeelo jireed ama hantiyadeed,” waxaa sidaas tiri Catalina Velasquez, agaasimaha fulinta ee Washington Immigrant Solidarity Network. “Marka qoysaska soogalootida ah ee shabakadaydu wajahaan xadgudub afka ah kaasoo baqdin ka galiya inay ilmahooda dugsiga u diraan, marka dadka jinsigooda badala ee aan cadaanka ahayn wajahaan cunsuriyad jinsi ah taasoo ka qaadaysa bili'aadantinimadooda, marka dadkeena waaweyn lagu yiraahdo ‘ku laabo meeshii ada ka timid’ — kuwaan waa ficilo xadgudub ah kuwaas oo qaabeeya xaaladaheena iyo awoodeena jiritaanka nabadgalyada ah ee dunida. Khadka teleefoonku wuxuu fursad u abuurayaa in xaaladahaan la qoro, la aamino, loogana jawaabo daryeel dhaqan ahaan ku haboon, uur-kutaalo ahaan khuseeya.”
“Waxaan rajaynayaa in khadka teleefoonku u ogolaado dhibaneyaasha nacaybka inay dareemaan inay taageero ka haystaan bulshooyinkooda deegaanka,” waxaa sidaas tiri Hershel Zellman, xubin ka tirsan guddiga Human Rights Spokane. “Waxaan sidoo kale rajaynayaa in jaantusyada lagu soo uruuriyay khadka teleefoonka loo adeegsan doono abuurista barnaamijyo waxbarasho iyo istiraatiijayado lagu dhaqangalinayo sharciga si loo dabargooyo nacaybka marka koowaadba.”
“Waxaan rajaynaynaa in khadkaan teleefoonku bixin doono taageero dhaqan ahaan ku haboon, dhisi doono aaminaada bulshada Muslimiinta ah, kuna dhiirigalin doono xubno badan oo bulshada kamid ah inay soo sheegaan dhacdooyinka,” ayay tiri Sabrene Odeh, oo qareen sharci ka ah Council on American-Islamic Relations ee gobolka Washington. “Waxaan rajaynaynaa inay u saamixi doonto inay si fiican u fahmaan nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta, hormariyaan saxnaanta barnaamijyada iyo hindisooyinka bulshada mustaqbalka wajihi doonta, bixina doonta taageerada ku haboon xubnaha bulshadeenna. Matalaadda bulshada Muslimiinta ah ee diyaarinta iyo meelmarinta khadkaan taleefoonku waxay xoojinaysaa fariinta ah on ammaanka Muslimiinta muhiimad la siinayo lana tixgalinayo.”
“Ururkeenu waa fariin-side ay aaminsantahay bulshada aan u shaqayno,” waxaa sidaas yiri Momodou Jobe, agaasimaha barnaamijyada Washington West African Center. “Afkaarteenu waxay ka timaaddaa waxa bulshadeenu noo sheegto ka qaybqaadashadeena diyaarinta khadka teleefoonkuna waxay afkaarta bulshadeena keentay goobta.”
“Qaar badan oo kamid ah bulshada Yuhuuda ah ayaa ka dhibtoonaya saamaynta ay ku yeelatay nacaybka ka dhanka ah yuhuuda waxayna u baahan yihiin adeegyo iyo ilo dheeraad ah,” waxaa sidaas tiri Miri Cypers, agaasimaha gobolka ee Anti-Defamation League ee kajira Waqooyi-galbeed Pacific. “Laga bilaabo qofka noogu yar ee la dhibtoonaya dhacdooyinka eexda ah ee dhigta dugsiyada K-12 ilaa hay'adaha bulshada ee wajahaya handadaada, khadka teleefoonku wuxuu siin doonaa taageero dhaqan ahaan u ilalainaysa.”
“Bulshada Sikh waxay si adag ugu taagantahay cadaaladda iyo sinaanta qof walba,” ayuu yiri Jasmit Singh, agaasimaha fulinta Khalsa Gurmat Center. “Waxaa bogaadinaynaa samaynta khadka teleefoonka kaasoo ah hanaan muhiim u ah in dadka wajahaya eexda ama nacaybka la dhageysto aragtidooda iyo in dhacdooyinkaas wax laga qabto. Khadkaan teleefoonku wuxuu awood siinayaa bulshooyinka wuxuuna xoojinayaa fariinta ah in nacaybku uusan boos ku lahayn gobolka Washington.”
Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan khadka teleefoonka danbiyada nacaybka ah iyo dhacdooyinka eexda ah, booqo atg.wa.gov/report-hate.
Qeexitaanno
Sharciga Washington wuxuu danbiga nacaybka ah ku qeexayaa xadgudub, waxyeelaynta hantida ama handadaad sababta dhaawac ama waxyeelo hantiyadeed taasoo lagu kaco ayada o ays abab u tahay fikrad laga qabo isirka, midabka, diinta, faraca, waddanka uu qofku kasoo jeedo, nooca rabitaakiisa galmada, jinsiga ama aqoonsigiisa, ama naafanimadaiisa.
Dhacdooyinka eexda ah waa ficilada cadaalada darada ah ee aan fal danbiyeedka ahayn aana ku saabsanayn waxyeellayn, handadaada, ama waxyeelaynta hantida. Ayada oo dhacdada eexda ah aan danbi ahaan loo maxkamadayn karin, haddana waa muhiim in lasoo sheego.
-30-
Garyaqaanka Guud ee Washington wuxuu u adeegaa dadka iyo gobolka Washington. Madaaama uu yahay shikadda sahrciga ee ugu balaaran gobolka, Attorney General’s Office wuxuu siinayaa matalaad sharci dhammaanba hay'adaha gobolka, guddiga, iyo golaha Washington. Intaa waxaa sii dheer, Xaafiisku wuxuu dadka ugu adeegaa si toos ah asaga oo dhaqangalinaya difaaca macaamiisha, xaquuqaha madaniga ah, iyo shuruucda ilaalinta bii'ada. Xaafiiisku wuxuu sidoo kale soo gudbiyaa eedaha ku xadgudubka dadka da'da ah, been abuurka lagu sameeyo Medicaid, wuxuuna gacanta ku qabtaa kiisaska danbiileyaasha galmada 38 kamid ah 39 ismaamul ee Washington. Booqo www.atg.wa.gov si aad wax intaas dheer uga barato.
Xogta Xiriirka Warbaahinta:
Iimayl: press@atg.wa.gov
Taleefanka: (360) 753-2727
Xiriirka guud: Halkaan riix (Ingiriisi)
Hagaha Ilaha Warbaahinta iyo Su'aalaha Inta badan La iska weydiiyo Attorney General's Office
Other Languages