Washington State

Office of the Attorney General

Attorney General

Bob Ferguson

Xaashidaan halka bog waxay sheegaysaa qeexitaannada iyo noocyada dhibaatada galmada, shuruudaha shaqaalaha iyo tallaabooyinka shaqaaluhu qaadi karaan haddii ay waajahaan dhibaatayn galmo, waxaana lagu heli karaa af Ingiriis iyo Isbaanish labadaba.

Dhibaataynta galmadu waa nooc takoorka galmada oo mamnuuc ah kaasoo la xariira falaad xumo galmo oo qofka lagu qasbo, codsiyada maslaxad galmo, iyo fal kale oo hadal ama jir taabasho ah oo galmo la xariira. Dhammaan noocyada dhibaatada galmadu waa mamnuuc, loo shaqeeyaashuna waxay masuul ka noqon karaan falkaan haddii aysan qaadin talaabooyinka ku habboon oo lagu xalinaayo. Loo shaqeeyaashu waa inay:Sharciga Xadgudubka Galmada

  • Siiyaan habraacyo shaqaalaha waajahaaya dhibaatada galmada si ay usoo gudbiyaan cabashooyinkooda;
  • Si adag oo degdeg ah waa inay u baaraan cabashooyinka dhibaatada galmada; iyo
  • Waa inay qaadaan talaabo degdeg ah oo waxtar leh si ay uga hortagaan dhibatayn danbe oo galmo oo ka dhacda goobta shaqada.

Xaashida waxay sidoo kale siinaysaa talaabooyin ay shaqaaluhu raacaan haddii ay arkaan ama waajahaan dhibaatayn galmo. Si xal loogu helo dhaqankaan sharci darada ah, shaqaaluhu waxay:

  • La hadli karaan qofka dhibaatada gaysanaaya ama qofka asaga xukuma si uu ugu sheego in habdhaqanka aflagaadada ah aan la ogolayn;
  • Waxay degdeg ugu sheegi karaan dhacdada maamulka ama waaxda khayraadka aadanaha; iyo/ama

Waxay u sheegi karaan dhibaatada wakaaladaha dawlada ee soo socda: Washington State Attorney General’s Office (Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Gobalka Washington)Washington State Human Rights Commission (Golaha Xaquuqda Aadanaha ee Gobalka Washington), iyo/ama U.S. Equal Employment Opportunity Commission (Gollaha Fursada Shaqada loo Siman yahay ee Maraykanka).