Washington State

Office of the Attorney General

Attorney General

Nick Brown

Xog badan ayaad ku helaysaa luuqadaan.

Iyadoo ku xiran inta lacag ee ay shakhsiyaadka iyo qoysasku sameeyaan sanadka, dadka reer Washington waxay u-qalmi karaan daryeel bilaash ah ama qiimo jaban oo laga helo isbitaallada ku yaalo gobolka. Difaacyadan waxay khuseeyaan qarashaadka isbitaalka ee dadku jeebkooda ka dhiibayaan, ayna ku jiraan qaybta ugasoo aada qarashka iyo lacagaha marka hore jeebka laga dhiibo ka hor inta caymisku bilaabin inuu bixiyo qarashaadka. Kaalmada dhaqaale ee noocaan ah ee ku aadan biilasha isbitaalka waxaa loo yaqaanaa “daryeelka samafalka.”

Sannadkii 2022, shuruudaha dakhliga ee daryeelka samafalka ayaa si weyn isku beddelay, taasoo keentay in kumanaan qof oo reer Washington ah ay u-qalmaan daryeelka isbitaalka ee bilaashka ah ama qiimaha jaban sida ku cad sharciga cusub. Si aad u aragto haddii aad u-qalanto daryeelka samafalka ah, booqo mareegta internetka ee Washington State Department of Health (Waaxda Caafimaadka ee Gobolka Washington) (Ku qoran af Ingiriis) si aad wax badan uga ogaato shuruudaha dakhliga ee sharciga. 

Si aad u hesho daryeel samafal, waa inaad isbitaalka ka codsataa. Sharciga daryeelka samafalka wuxuu dejiyaa shuruudaha ugu yar ee ay tahay in isbitaalladu u hoggaansamaan, laakiin isbitaallada waxaa loo oggol yahay inay si deeqsinimo leh u bixiyaan siyaasadahooda (tusaale ahaan, siinta daryeelka samafalka bukaannada dakhligoodu sarreeyo). Mar kasta waa fikrad wanaagsan inaad la tashato la-taliye dhaqaale oo ku sugan isbitaalka aad ka heshay daryeelka si aad wax badan ugu barato.  

Haddii aad isleedahay isbitaalkaagu ma raacaayo sharciga, cabasho u gudbi Garyaqaanka Guud oo aad ka helayso https://www.atg.wa.gov/file-complaint (ku qoran af Ingiriis). Haddii aad u baahan tahay adeegyada fasiraada iyo turjumaadda, fadlan nagala soo xariir (360) 753-6200 kadibna codso khadka luuqadaada.


SU'AALAHA BADANAA LA ISWAYDIIYO

 

Waa maxay “charity care (daryeelka deeqda ah)”?

Sharciga daryeelka deeqda ah ee Washington ayaa qasab uga dhigaaya isbitaallada inay caawimaad dhaqaale u fidiyaan bukaannada danyarta ah si looga caawiyo qarashaadkooda caafimaadka ee ay jeebkooda ka dhiibayaan. Si aan u caddayno, waxaan ka hadlaynaa dadka caymiska haysta, maaha keliya dadka aan caymiska haysan. Dad badan ayaa waajahaaya kharashaadka badan ee ay jeebkooda ka dhiibayaan xataa ayagoo haysta caymis, sharcigeena daryeelka deeqda ahna wuxuu caawinayaa dadkaas.

 

Ma jiraa shardiga da'da ugu yar?

Maya. Ma jiro shardiga da'da ugu yar ama ugu badan ee u qalmida. Dhammaan dadka Washington waa u qalmaan.

 

Ma qasab baa inaad leedahay caymiska Medicare ama Medicaid si aad u adeegsato daryeelka deeqda ah?

Maya, daryeelka deeqda ah waxaa heli kara qof kasta oo reer Washington ah, haddii uu haysto caymis caafimaad oo dawladeed, caymis caafimaad oo gaar loo leeyahay ama uusanba lahayn wax caymis ah. Daryeelka deeqda ah wuxuu daboolayaa qarashaadka aad jeebkaaga ka dhiibayso, ayadoon laga eegayn caymiska aad haysato, waxaana lagu saleynayaa keliya heerkaaga dakhliga.

 

Ma qasab baa inaan ahaado muwaadin Maraykan ah si aad u codsado daryeelka deeqda?

Maya, dhammaan bukaannada ayaa codsan kara daryeelka deeqda ah ayadoon laga eegayn sharciga ay haystaan.

 

Qaadashada daryeelka deeqda ah ma saamayn ayay ku yeelanaysaa u qalmidayda Social Security, Medicare ama Medicaid?

Maya kuma yeelanayso. Daryeelka deeqda ah wuxuu quseeyaa qayb kamid ah qarashka aad isbitaalka ku bixiso — sida lacagaha caymisku jarto iyo qaybta qarashka kaaga soo aadaysa. Medicare iyo Medicaid wali way dabooli doonaan qaybtooda, kadibna daryeelka deeqda ah ayaa daboolaaya qaybta soo harta ee bukaanku jeebkiisa ka dhiibaayo.

 

Miyaan caymisyada Medicaid iyo/ama Medicare dhiibin qarashka oo dhan?

Mar kasta maaha inay dhiibaan. Waxaa jiri kara qarashaadka jeebka laga dhiibo ee la xariira daryeelka isbitaalka ayadoo ku xiran nooca adeegga la daboolaayo. Arrintaan ayaa qusaysa caymiska gaarka loo leeyahay, sidoo kale.

 

Daryeelka deeqda ah ma wuxuu keliya khuseeyaa daryeelka isbitaalka? Ka waran booqashooyinka xarunta caafimaadka.

Daryeelka deeqda ah ayaa quseeya daryeelka caafimaadka ee lagu bixiyay isbitaal. Hase yeeshee, mararka qaar isbitaallada ay la xariiraan rugaha caafimaadka ayaa ku dabaqaaya xeerkooda daryeelka deeqda ah rugahaas caafimaad. Waxa ugu fiican ee aad samayn karto waa inaad mar kasta waydiiso.

 

Ma daboolayaa booqashooyinka waaxda xaaladaha degdega ah (ER), ama raajooyinka ama baaritaannada bukaan socodka ee lagu sameeyo isbitaallada?

Daryeelka deeqda ah ayaa quseeya daryeelka caafimaadka ee lagu bixiyay isbitaal. Daryeelkaas waxaa ku jira daryeelka qolka xaaladaha degdega ah ee isbitaalka. Waxaa sido kale ku jiraan iskaan kasta, baaritaan ama qaliin lagu sameeyay isbitaalka. Daryeelka deeqda ah ayaan dabooli karin qarashaadka dhakhaatiirta ama adeeg bixiyaasha kale ee aan isbitaalka u shaqayn.

 

Daryeelka deeqda ah ma wuxuu keliya quseeyaa qarashaadka mustaqbalka, ama ma wuxuu quseeyaa qarashaadka hore sidoo kale?

Deeqda daryeelka ayaa khusaysa labadaba daryeelka mustaqbalka iyo kharashaadkii hore. Muhiim maaha mudada ay biilashu jireen, ama in loo diray iyo in kale dayn uruuriyaasha. Haddii aad u qalanto, daryeelka deeqda ah ayaad ku heli kartaa kharashaadka isbitaalka.

 

Marka aan helay daryeelka isbitaalka, waxaa la iga dalbaday labo qarash oo kaladuwan — mid ka yimid isbitaalka, iyo mid ka yimid dhakhtarka. Labada biil ba ma u qalmaan caawimaada dhaqaalaha ee sharciga daryeelka deeqda ah?

Keliya isbitaallada ayaa laga doonayaa inay daryeel deeq ah bixiyaan.Sharcigu qasab kama dhigaayo in la daboolo qarashkaadka dhakhtarka. Hase yeeshee, isbitaallo badan ayaa ka doonayaa dhakhaatiirta ka shaqeeya isbitaaladooda inay raacaan xeerarka daryeelka deeqda ah ee isbitaalka. Waydii isbitaalkaaga si aad u hubiso haddii ay sidaas sameeyaan.

 

Ka waran haddii aan leeyahay guri, ama aan leeyahay kaydadka hawlgabka. Hantida noocaas ah ma iga hor istaagaysaa deeqda?

Waxa ugu muhiimsan waxaa weeye, isbitaalladu ma tixgelin karaan mulkiyada aad u leedahay guriga aad degan tahay, ama qiimihiisa, marka ay qiimaynayaan u qalmidaada daryeelka deeqda ah, marka guriga aad mulkigiisa leedahay wax saamayn ah kuma lahan daryeelka deeqda ah. Isbitaalladu waxay tixgelin karaan hantida qaar markay qiimaynayaan u qalmida, laakiin xadiga ayaa sareeya inta badana macaamiisha dakhli ahaan u qalma daryeelka deeqda ah ayaa laga saari doonin deeqda ayadoo lagu salaynaayo hantidooda.

 

Daryeelka deeqda ah ma daboolayaa xanuunnada sida Altzheimers?

Daryeelka deeqda ah ayaa quseeya daryeelka caafimaadka ee lagu bixiyay isbitaal. U qalmida laguma saleeyo xaalado caafimaad oo gaar ah. Hase yeeshee, mararka qaar isbitaallada ay la xariiraan rugaha caafimaadka ayaa ku dabaqaaya xeerkooda daryeelka deeqda ah rugahaas caafimaad. Waxa ugu fiican ee aad samayn karto waa inaad mar kasta waydiiso.

 

Ka waran haddii ay ii joogaan carruur qaangaar ah, iyo xubno kale oo qaangaar ah oo qoyska kamid ah igula nool isla guriga aan daganahay? Sidee ayaa lagu go'aanshaa u qalmidaada?

Sharciyada daryeelka deeqda ah ayaa ku qeexaaya qoys "koox ka kooban labo qof ama ka badan oo wadaaga dhalasho, guur, ama ilmo la korsaday oo iskula nool hal guri." Tani waxay ka dhigan tahay in dakhliyada xubnaha qaangaarka ah ee qoyska isla nool la tixgelinaayo marka codsiga daryeelka deeqda la diraayo. Markasta xaqiiji inaad u sharaxdo xaaladaada shaqsiga ah isbitaalka aad codsiga daryeelka deeqda ah u dirayso waayo isbitaallada ayaa shardi dhaafyo samayn kara ayadoo ku xiran xaaladaha qofka.

 

Muddo intee dhan ayay Washington qasab ka dhigaysaa in isbitaalladu bixiyaan caawimaad dhaqaale?

Sharcigii hore ee daryeelka deeqda ah ee Washington ayaa la ansixiyay sanadkii 1989, sidaas awgeed caawimaada ayay heli kareen bukaannada Washington muddo ka badan sodon sano.