Washington State

Office of the Attorney General

Attorney General

Bob Ferguson

Environmental Protection Division (EPD, Waaxda Difaaca Bii'ada) ee Attorney General (Garyaqaanka Guud) waxay ka shaqeysaa difaaca dadka reer Washington iyo bii'adeena ayadoo abuureysa dacwad shibil ah iyo mid dambiyeed kana wakiil ah gobalka oo hoos tagta maamulka madaxa banaan ee Garyaqaanka Guud. Garyqaanka Guud Ferguson ayaa ka dhigay difaaca bii'ada muhiimada koobaad ee maamulkiisa. Laga soo bilaabo 2013, wuxuu keenay dacwad oogis dambiilenimo oo dhinaca deegaanka ah kuwaasoo keenay in ka badan 35 xukun dambiyeedyo ah iyo ku dhawaad $ 5 milyan oo ah ganaaxyo, ciqaabo iyo amarada magdhawga. Environmental Protection Division waxay sidoo kale samaysaa dacwado waawayn oo madani ah sida ku cad sharciga gobalka iyo federaalka, kuwaas oo lagu beegsanaayo falalka khatar gelinaaya caafimaadka aadanaha iyo bii'ada. Dacwadahaas ayaa keenay in ka badan $95 milyan oo magdhaw ah si loo caawiyo dadka reer Washington iyo bii'adeena, oo ay ka mid yihiin taageerista shaqada joogtada ah ee difaaca bulshada ee Xafiiska Garyaqaanka Guud.

Sida ku cad sharciga gobalka, Garyaqaanka Guud ayaa magacaabaaya Kaaliyaha Garyqaanka Guud kaas oo ka socda Waaxda Environmental Protection Division si uu u noqdo Wakiilka Bii'ada, asagoo matalaaya dadwaynaha iyo masaalixda dadwaynaha ee difaaca bii'ada marka ay fulinaayo mashaariicda hormarinta ee xarumaha waawayn, ee tamarta gudaha Gobalka Washington.


U-doodista Bii'ada

Dedaallada Amicus

Friends of the Earth v. Haaland (U.S. Court of Appeals for the District of Columbia (Maxkamada Racfaannada ee Maraykanka ee Degmada Columbia) Washington ayaa hogaanka u haysa  doodaha goballada badan iska kaashanayaan ee amicus oo ku doodaaya in National Environmental Policy Act (Sharciga Siyaasada Bii'ada ee Qaranka) u baahan yahay qiimayn adag oo lagu sameeyo wasaqda gaaska cagaaran ee ay siidaayaan shirkadaha waawayn ee saliida iyo gaaska iibiya.

Minnesota v. American Petroleum Institute, et al (U.S. Court of Appeals for the Eighth Circuit (Maxkamada Racfaannada ee Maraykanka ee Eighth Circuit) Washington ayaa hogaamisay doodaha goballada badan iska kaashanayaan ee amicus kuwaas oo ku doodeysa in sheegashooyinka sharciga gobalka ee uu gobal keeno maxkamada gobalka taasoo ka dhan ah shirkadaha shidaalka sameeya iyo ururada ganacsiga aysan dacwaysaneyaashu u wareejin karin Federal Court (Maxkamada Federaalka).

Oceana v. Ross (U.S. District Court for the Central District of California (Maxkamada Racfaannada Maraykanka ee Degmada Bartamaha California) Washington ayaa hogaamisay doodaha goballada badan iska kaashanayaan ee amicus kuwaas oo lagu taageeraayo dacwad ka dhan ah diidmada Maamulka Trump ee dhaqan gelinta xeerka ay soo jeediyeen Pacific Regional Fishery Council, kaasoo xayiraad adag saaraayay xaalufinta kaluumaysiga bada Baasifiga. Maxkamada ayaa ogolaatay dooda Gobalka. Racfaanka, Gobalka ayaa la siiyay Inuu Su'aalo Waydiiyo racfaan qaataha, taas oo kadib dawlada federaalka ah ay iska tuurtay racfaankeedii.
Halkaan guji si aad u akhrido dooda.

The Wilderness Society, et al. v. Trump, et al.; Grand Staircase Escalante Partners, et al. v. Trump, et al. (U.S. District Court for the District of Columbia (Maxkamada Degmada ee Maraykanka ee Degmada Columbia) Washington ayaa hogaamisay dedaalka goballada badan ee amicus oo lagu taageeraayay dacwad ka dhan ah soo jeedinta Maamulka Madaxwayne Trump oo ahaa in si wayn loo dhimo xajmiga madxafyada Grand Staircase-Escalante iyo Bears Ears National Monuments ee gobalka Utah. Washington iyo 10 gobal oo kale ayaa ku dacwoodey in yareynta madxafku ay tahay talaabo sharci daro ku ah awooda madaxwaynaha uuna jebinaayo  Antiquities Act (Sharciga Xasuusaha Qadiimiga ah) oo soo baxay 1906, kaas oo u wakiishay Madaxwaynaha inuu ilaaliyo ilaha qadiimiga ah, kuwa taariikhiga ah iyo kuwa cilmiga ee ee qaranka kuwaasoo ah summad qaran. Waxay sidoo kale ku doodeen in dhimista Madaxwayne Trump ku dhawaaqay ay xumaysay xiriirka u dhexeeya goballada iyo dawlada federaalka ah kaas oo la xiriira maamulka dhulalka federaalka ee gudaha xuduudaha goballada.
Halkaan guji si aad u akhrido dooda.

California v. Office of Natural Resource Revenue; California v. Bureau of Land Management (U.S. District Court for the Northern District of California (Maxkamada Degmada ee Maraykanka ee Degmada Waqooyiga California) Washington ayaa hogaamisay dedaalka gobollada badan ee amicus kaas oo lagu taageeraayay dacwad ka dhan ah labo xukun oo sharci daro ah oo lagu baabi;inaayay sharciyo ayna samaysay United States Department of Interior (Waaxda Arimaha Gudaha ee Maraykanka). Labada kiisba waxay la xiriireen isticmaalka sharci darada ah ee Administrative Procedures Act (Sharciga Habraacyada Maamulka) si loo jebiyo xeer la xiriiray qodista dhuxusha ee dhulka federaalka iyo sharci kale oo taageerayay yareynta gaaska methane ee ay siidaayaan meelaha laga qodo shidaalka iyo gaaska. Labada kiisba, maxkamada ayaa baabi'say talaabooyinka laga soo dacwooday.

Waraaqaha Faallooyinka

Maamulka Trump ayaa soo jeediyay xeer lagu joojinaayo dhaqan gelinta National Environmental Policy Act (Maarso 10, 2020) Washington, oo ay la safan yihiin goballada California, New York, iyo D.C., ayaa hogaamisay waraaqda faallada ee goballada badan ku mideysan yihiin ee lagu diidan yahay soojeedinta sharci darada ah ee aan la taageerin ee Maamulka Trump ku doonaayo inuu si wayn ugu yareeyo difaacyada bii'ada asagoo doonaaya in la badelo xeerarka mudada dheer soo jirey ee National Environmental Policy Act (NEPA, Sharciga Qaran ee Siyaasada Bii'ada). NEPA waa sharci bii'o oo adag kaas oo xaqiijinaaya in wakaaladaha federaalka ay gaaraan go'aano faahfaahsan oo ku saleysan fikrado laga uruurshay dadwaynaha iyo tixgelinta taxadarka leh ee saamaynada ku imaan kara caafimaadka dadwaynaha iyo bii'ada.
Halkaan guji si aad u akhrido waraaqda.

Oil and Gas Leasing Program (Barnaamijka Kireynta Shidaalka iyo Gaaska) ee BLM ee Dhul Xeebeedka Arctic National Wildlife Refuge (Maarso 13, 2019) Washington ayaa hogaamisay isbaheysiga goballada badan kaas oo soo gudbiyay dood ku aadan qabyo qoraalka Environmental Impact Statement (Bayaanka Saamaynta Bii'ada) ee qorshaha Maamulka Trump ku doonaayo inuu ku ogolaado in shidaalka iyo gaaska laga qodo dhul xeebeedka Arctic National Wildlife Refuge.
Halkaan guji si aad u akhrido waraaqda.

Soo jeedinta EPA ee Daciifinta Doorka Goballada ee Dhaqan gelinta Clean Water Act Qodobka 401 (Oktoobar 21, 2019) Washington ayaa hogaamisay isbaheysiga 22 gobal oo dood ka keenay xeerarka Sharciga Siyaasada Difaaca Bii'ada (Environmental Policy Act, EPA) ee la soo jeediyay kaas oo daciifinaaya doorka sharciga Clean Water Act uu siinaayo goballada si ay uga caawiso inay difaacdaan biyahooda.
Halkaan guji si aad u akhrido waraaqda.

Ma dooneysaa inaad hesho ogeysiisyada ku saabsan waxyaabaha kale ee ku soo kordha arimaha bii'ada?
Halkaan guji!


Ilaalinta Bii'ada Washington

Kiisaska Wakiilka

Washington v. Crown Resources (U.S. District Court for the Eastern District of Washington (Maxkamada Degmada ee Maraykanka ee Degmada Bariga Washington) Markay ahayd Maajo 7, 2020, Washington ayaa dacweeysay labo shirkadood oo dahabka qoda kuwaas oo jebiyay Clean Water Act (Sharciga Biyaha Nadiifta ah) kuna sii daayay heerar sharci daro oo wasaq ah harooyinka ku yaala Ismaamulka Okanogan kuwaasoo raacay Wabiga Kettle. Kiiska ayaa ku eedeynaaya shirkadaha inay marar badan jebiyeen sharciga Clean Water Act iyo sharciga Washington Water Pollution Control Act (Sharciga Xakamaynta Wasaqda Biyaha ee Washington) muddo lix sano ah, ayagoo aan badanaa raacin ogolaanshahooda tayada biyaha aysana xakamayn wasaqda ka timid macdan qodista. Dahab qodista ayaa sun ku siideysay biyaha oo ay ka mid yihiin maadooyinka arsenic iyo maarta oo ku milmay marinnada biyaha ee u dhawaa. Maadooyinkaan waa kuwo khatar ku ah dadka, nooleyaasha biyaha iyo nooleyaasha kaluunka sida trout. Maxkamada ayaa diidey codsiga shirkadaha dahabka qoda ee ahaa in kiiska la tuuro, waxayna xukuntay ganaax ah in Crown Resources ay gashay in ka badan 3,000 jeer oo ay bishiiba jebinaysay oggolaanshaheeda bixinta biyaha nadiifta ah. Kiiskaan wuxuu wali horyaalaa maxkamada federaalka ayadoo dawlada federaalka ah ay ka baaraan degayso talaabooyinkeeda. Wixii xog dheeraad ah, fadlan halkaan guji.

Washington et al. v. Bernhardt (U.S. District Court for the District of Alaska (Maxkamada Degmada Maraykanka ee Degmada Alaska) Markay ahayd Sibteembar 9, 2020, Washington ayaa hogaamisay isbaheysiga 15 gobal oo lagu diidanaa in dawlada fderaalka ah ay u ogolaato Dhul Xeebeedka Arctic National Wildlife Refuge in laga qodo shidaal iyo gaas. Dhulka Xeebta waa dhul dhan 1.6 milyan oo ekar oo hanti qaran ah, taas oo aan u dhigmayn muhiimada nololeed ee ay u leedahay kumanaan noole, ayna ku jiraan caribou, bahalka khatarta ku jira ee weerka iyo malaayiin shimbiro ah kuwaas oo ka soo haajira una haajira lix qaaradood iyo 48 gobal. Dhulka ayaa ah dhulka barakaysan ee Qabiilka Asaliyiinta ah ee Gwich’in wuxuua si gaar ah ugu nugul yahay dhibaatooyinka bii'ada, ayna ku jiraan isbadelka cimilada, taasoo keentay inuu dhalaalo barafka badda iyo dhalaalka buuraha barafka ee gobalka. Dacwada ayaa ku doodeysa in qorshaha shidaal qodistu uu jebinaayo sharciyo badan, oo ay ku jiraan Administrative Procedure Act (APA, Sharciga Habraaca Maamulka), National Environmental Policy Act (NEPA, Sharciga Siyaasada Bii'ada ee Qaranka), the National Wildlife Refuge System Administration Act (Sharciga Maamulka Nidaamka Dhulka Duurjoogta (Refuge Administration Act), the Alaska National Interest Lands Conservation Act (ANILCA, Sharciga Ilaalinta Dhulka Danaha Qaran ee Alaska), and the Tax Cuts and Jobs Act (Sharciga Canshuur Dhaafyada iyo Shaqooyinka) oo soo baxay 2017 (Sharciga Canshuurta). Ayadoo qayb ka ah sharci jebintiisa badan, maamulka ayaa fuliyay dib u eegista bii'ada oo daciif ah taas oo ku fashilantay inay si adag u eegto saamaynada shidaal qodistu ku reebayso shimbiraha guur-guura, sunta wasakhaynta hawada, iyo isbadelka cimilada. Kiisku wuxuu wali horyaalaa maxkamada federaalka ayadoo dawlada federaalka ah ay ka baaraan degayso talaabooyinkeeda. Wixii xog dheeraad ah, fadlan halkaan guji.

Washington et al. v. Council on Environmental Quality (U.S. District Court for the Northern District of California (Maxkamada Degmada Maraykanka ee Degmada Waqooyiga California) Washington iyo California ayaa hogaaminaaya isbaheysiga 27 gobal, barwaaqa sooran, deegaanno, ismaamulo, iyo magaalooyin ka kooban kaas oo lagu diidan yahay xeerarka cusub ee dawlada federaalka ee maamulaaya National Environmental Policy Act (Sharciga Siyaasada Qaran ee Bii'ada). Xeerarku waxay baabi'inayaan ama yareynayaan amaanka bii'ada ee go'aanno kala duwan oo waawayn ee federaalku qaadaayo, waxayna khatar gelinayaan bulshooyinka ugu nugul ee Washington. Dacwadu waxay ku doodeysaa in xeerarka cusub ay sifo sharci daro ah u xoorayaan mabaadii'da go'aan gaaris faahfaahsan, isla xisaabtanka dadwaynaha iyo ilaalinta bii'ada, asagoo jebinaaya sharciga NEPA qudhiisa iyo Administrative Procedure Act (Sharciga Habraaca Maamulka), kaas oo ka hor istaagaaya wakaaladaha federaalka inay dhaqan gashaan xeerar ama ka soo horjeeda sharciga ama lagu sameeyay qaab xaal mastuur ah. Kiisku wuxuu wali horyaalaa maxkamada federaalka inta dawlada federaalku ka noqonayso ayna badelayso xeerka. Wixii xog dheeraad ah, fadlan halkaan guji

Washington v. Navy (U.S. District Court for the Western District of Washington (Maxkamada Degmada ee Maraykanka ee Degmada Galbeedka Washington) Washington ayaa ku dacweeysay Ciidanka Badda ee Mareykanka balaarintiisa hawlgalada ciidanka cirka ee garoonka diyaaradaha ee Growler oo ku yaala Whidbey Island. Bishii Maarso 2019, Ciidanka cirka ayaa ogolaaday balaarinta barnaamijkiisa Growler, kaasoo kordhinaaya dhulka diyaaraduhu ku soo dagaan kana kacaan ee Growler ku dhawaad 100,000 sanad kasta 30 sano ee soo socda. Growlers waa diyaarado jawi hoose ku duula si ay uga dhuuntaan isgaarsiinta cadawga. Shaqada tababarka diyaaradaha waxaa kamid ah soo dagis iyo kicid joogto ah, oo qaylo badan. Attorney General’s Office (Xafiiska Garyaqaanka Guud) wuxuu ku doodayaa in hannaanka dib u eegista bi'ada ee ciidanka Badda ee balaarinta hawlgalka uu sifo sharci daro ah ugu fashilmay inuu cabiro saamaynada ku dhacaaya caafimaadka dadwaynaha iyo duurjoogta deegaannada ku yaala iyo kuwa ku xeeran Whidbey Island. Maxkamada ayaa kiiska u xukuntay Gobalka, ayadoo xukuntay in Ciidanka Cirku jebiyeen National Environmental Policy Act (Sharciga Siyaasada Difaaca Bii'ada ee Qaran). Kiisku wuxuu wali horyaalaa maxkamada federaalka si loo xukumo magdhawga sharci jebinta. Wixii xog dheeraad ah, fadlan. Wixii xog dheeraad ah, fadlan halkaan guji.

Puget Soundkeeper Alliance, et al. v. The United States Department of the Navy, et al. (U.S. District Court for the Western District of Washington (Maxkamada Degmada Maraykanka ee Degmada Galbeedka Washington) Washington waxaa la siiyay xaqa soo oogista dacwada sida ku cad Clean Water Act (Sharciga Biyaha Nadiifta ah), kaas oo uu ku doonaayo inuu ku dacweeyo talaabada Ciidanka badda Maraykanka inay darbiga ku xoqaan biraha waawayn ee maraakiibta taasoo keenaysa in biro iyo sun kale ku daataan biyaha xeebaha. Suntaan ayaa waxyeelayn karta nolosha badda ee cuntooyinka badda, ayna ku jiraan salmon-ka iyo orcas. Sanadkii 2020, Ciidanka badda ayaa aqbalay Amarka Ogolaanshaha (Consent Decree) oo ku soo rogaaya inay toban sano joojiyaan kusoo xirista maraakiibta aan shaqeynayn ee dhammaan biyaha Washington, kana doonaaya Ciidanka Badda inay qaadaan talaabo wayn oo dayactirka goobta ah. Waxaa intaas dheer, Ciidanka Badda ayaa aqbalay inay baxshaan qarashka qareenka ee Attorney General’s Office (Xafiiska Garyqaanka Guud) iyo dacwad oogeyaasha kale. Wixii xog dheeraad ah, fadlan halkaan guji.

Washington, et al. v. U.S. Department of the Interior (U.S. District Court for the District of Montana (Maxkamada Degmada Maraykanka ee Degmada Montana) Washington iyo sadex gobal oo kale ayaa ku dacweeyay maamulka Trump barnaamij lagu bixinaayo xuquuqaha qodista dhuxusha laga qodaayo dhulka dadwaynaha, kaasoo qayb wayn ka qaadanaaya isku socodka tareenka dhuxusha qaada ee Gobalka Washington. Dacwada ayaa ka soo horjeeda go'aanka Xoghayaha Arimaha Gudaha Ryan Zinke ee dib loogu bilaabaayo barnaamijka federaalka ee sharciyaynta qodista dhuxusha ayadoo aan la tixgelin ama la badelin cilmi baarista ku dhawaad 40 sano jirtay ee daraasaynta bii'ada. Maxkamada ayaa kiiska u xukuntay Gobalka, ayadoo xukuntay in Department of Interior (Waaxda Arimaha Gudaha) aysan si sax ah u raacin National Environmental Policy Act (Sharciga Siyaasada Difaaca Bii'ada ee Qaran). Wixii xog dheeraad ah, fadlan halkaan guji.

Washington v. Monsanto Corp. (King County Superior Court (Maxkamada Sare ee Degmada King) Gobalka Washington ayaa ahaa gobalkii koowaad ee wadanka oo dhan oo keena dacwado sharci oo ka dhan ah Monsanto Corporation kaas oo ku eedeeyay sumaynta mudada dheer ee soo saarida, iibinta, adeegsiga, iyo daadinta wasaqda polychlorinated biphenyls (PCBs). Washington ayaa ku eedeeyay Monsanto inay ogaayeen waxyeelooyinka bii'ada iyo caafimaadka dadka ee ka dhashay soo saaristeeda iyo iibkeeda joogtada ah ee PCB-yada, iyo sidoo kale sii wadista waxyeelada bii'ada, laakiin ay Monsanto sidaas sii waday si ay u hesho faa'iidada ugu badan ee dhaqaale. Markay ahayd Juun 24, 2020, kadib wax ka badan sadex sano oo dacwad socotay, Attorney General’s Office (Xafiiska Garyaqaanka Guud) ayaa shaaciyay in Monsanto bixin doonoto $95 milyan oo la siinaayo Washington si loo soo afjaro dacwada. Si aad u hesho faahfaahin ku aadan qaraarka, halkaan guji. Si aad u hesho aasaaska guud ee kiiska, halkaan guji.

Washington v. Moniz (Perry) (U.S. District Court for the Eastern District of Washington (Maxkamada Degmada Maraykanka ee Degmada Bariga Washington) Asagoo kaashanaaya Hanford Challenge, oo ah urur ka shaqeeya difaaca xuquuqda shaqaalaha ee Hanford, iyp United Association of Plumbers and Steamfitters Local No. 598, Washington ayaa ku dacweeyay Department of Energy (Waaxda Tamarta) inay shaqaalaha u banbixiyeen uumiga sunta ah ee ka imaanaaya isku darka wasakhda nukleerka iyo kiimikada ku xaraysan Hanford Nuclear Reservation. Gobalka ayaa ku eedeeyay Energy talaabada ay ugu ogaatay in uumiga aan la dawayn ee ka yimaada haamaha uu banaanka u baxo uuna sumeeyo shaqaalaha Hanford taas oo ah khatar degdeg ah oo wayn sida ku cad Resource and Conservation Recovery Act (RCRA, Sharciga Ilaalinta iyo Soo Kabista Khayraadka) ee federaalka. Dacwada waxaa lagu xaliyay in Dawlada Federaalku aqbashay inay samayso hormarada dhanka badqabka iyo tignooloojiyada ah, ayna aqbashay bixinta qarashka dacwada uga baxay gobalka. Wixii xog dheeraad ah, fadlan halkaan guji.

Washington, et al. v. Pruitt (9th Circuit Court of Appeals (Maxkamada Racfaannada 9th Circuit) Washington, oo kaashanaysa dhawr gobal oo kale iyo tiro kooxaha bii'ada ah, ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah EPA oo la xiriirta in EPA ku fashilantay inay sifo sharci ah u maarayso isticmaalka maadada pesticide chlorpyrifos. Talaabo-qaadis la'aanta EPA ayaa timid ayadoo ay jirto xaqiiqada ah in qiimaynadeeda khatar ay muujiyeen in chlorpyrifos ay waxyeelo u keento maskaxda carruurta xataa markay heer yar tahay marka cuntada lagu cuno iyo/ama ay ku jirto biyaha dhulka hoostiisa. Sida ku cad Federal Food, Drug, and Cosmetic Act (Sharciga Cuntada, Daawada iyo Waxyaabaha la Isku Qurxiyo ee Federaalka), Washington iyo dacwoodeyaasha kale ee goballada iyo ururada ayaa ku doodey in EPA aysan maarayn karin sunta jirta ee chlorpyrifos tolerances ayadoo og khatarta. Dacwad ay dhageysteen dhammaan garsooreyaasha U.S. Court of Appeals for the Ninth Circuit ayaa loo xukumay goballada, waxaana lagu amray EPA inay meesha ka saarto dacwadaha ay ku inkireyso fashilka EPA. Washington iyo goballada kale ayaa ku laabtay maxkamada kadib markii EPA diidey xukunka. Kiiskaan wuxuu horyaalaa Ninth Circuit Court of Appeals.

Caawimaad ku aadan Ku dhaqanka Sharciyada Bii'ada

Attorney General’s Office (Xafiiska Garyaqaanka Guud) ee Washington ma siin karo talo sharci muwaadiniinta shaqsiyaadka ah. Hase yeeshee, Washington Governor’s Office for Regulatory Innovation and Assistance (ORIA, Xafiiska Caawimaada iyo Curinta Sharciyada ee Gudoomiyaha Gobalka Washington) ayaad ka helaysaa xog balaaran oo ku aadan habraacyada ogolaanshaha bii'ada. ORIA waxay leedahay kheyraad onlayn ah oo dhowr ah, uuna ku jiro foomka su'aalaha ee mashruuca si aad qaab fudud ugu ogaato noocyada ogolaanshiyaha, ruqsadaha, ama ansixinada muhiimka u ah mashruuc gaar ah. ORIA ayaa sidoo kale ka jawaabi karta su'aalo gaar ah oo ku saabsan ruqsadaha, ogolaanshiyaasha, iyo fasaxyada uu baxsho Gobalka Washington.

Halkaan guji si aad booqato websaydka Ogolaanshaha Bii'ada ee ORIA


Meelaynta Xarumaha Tamarta

Waa kuma Wakiilka Bii'ada?

La xiriir CFE:

Bill Sherman
Madaxa Waaxda, Waaxda Difaaca Bii'ada
(206) 442-4485
bill.sherman@atg.wa.gov

Attorney General's Counsel for the Environment (CFE, Wakiilka Bii'ada ee Garyaqaanka Guud) wuxuu matalaa dadwaynaha iyo masaalixda dadwaynaha ee difaaca bii'ada ee la xiriira hormarinta wayn ee dhulka, ee laga dhisaayo xarumaha tamarta gobalka Washington. Mashruucyada la damacsan yahay waxaa dib u eegis ku wada Energy Facility Site Evaluation Council (EFSEC, Gudiga Qiimaynta Goobta Xarunta Tamarta) ee gobalka.

Sida ku cad sharciga gobalka, Garyaqaanka Guud) ayaa magacaabaaya Counsel for the Environment (CFE) marka EFSEC ay hesho codsiga goobta si dib u eegis loogu sameeyo. CFE ayaa ka madax banaan:

  • EFSEC;
  • Wakaaladaha kale ee gobalka; iyo
  • Dhinacyada qaybta ka ah hawsha codsiga.

Muxuu qabtaa Counsel for the Environment?

Golaha Bii’ada (Counsel for the Environment) wuxuu door muhiim ah ka qaataa dib u eegista guud ee mashruuca. Waajibkiisa ama waajibkeeda waxaa ka mid ah uruurinta fikradaha dadwaynaha, bixinta xog guud oo ku saabsan hanaanka Energy Facility Site Evaluation Council (EFSEC, Gudiga Qiimaynta Goobta Xarunta Tamarta), ka caawinta muwaadiniinta inay EFSEC u soo sheegaan walaacyadooda, iyo ka qaybgalka hanaanka dib u eegista.

CFE wuxuu si firfircoon u qiimeyaa saamaynada bii'ada ee mashuur ku yeelan karo bulshada deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee gobalka. Marka mashruuc ay u badan tahay inuu abuuro saamayno waawayn oo dhanka bii'ada ah, CFE ayaa u dooda talaabooyin mamnuucaaya iyo/ama yareynaaya waxyeelooyinkaas. Saamaynada bii'ada ee badanaa la xiriira goobta xarunta wayn ee tamarta waxaa ka mid ah:

  • Tayada Hawada
  • Tayada Biyaha
  • Helitaanka Biyaha
  • Deegaanka Kalluunka iyo Duurjoogta
  • Xakamaynta Ciideynta iyo Xaalufinta
  • Wasakhda Gaaska Cagaaran
  • Qaylada
  • Saamaynada Quruxda Bii'ada

Mashruucyada uu Dib u Eegay Wakiilku

Tesoro Savage Petroleum Terminal LLC.Markay ahayd Agoosto 29, 2013, Tesoro Savage Petroleum Terminal LLC ayaa soo gudbisay Application for Site Certification (Codsiga Fasaxa Goobta) si ay u dhisto una maamusho Tesoro Savage Vancouver Energy Distribution Terminal (Mashruuca). Mashruuca ayaa intiisa badan ka kooban qabashada iyo kaydinta mudada kooban ee celcelis ahaan dhan 360,000 oo fuusto oo shidaal ceeriin ah maalin kasta kaasoo ka yimaada Midwest North America kana soo dega Dekada Vancouver ee Ismaamulka Clark. Shidaalka ceeriinka ah waxaa keenaaya tareen, waxaa lagu dejinayaa laguna haynayaa goobta, kadibna waxaa lagu rarayaa maraakiibta badda, si ay u geeyaan xarumaha shidaalka sifeeya ee Xeebta Galbeed.

Energy Facility Site Evaluation Council (EFSEC, Gudiga Qiimaynta Goobta Xarunta Tamarta) ayaa sheegay in shaacinta dadwaynaha ee qabyo qoraalka Environmental Impact Statement (EIS, Bayaanka Saamaynta Bii'ada) oo waafaqsan State Environmental Policy Act (SEPA, Sharciga Siyaasada Bii'ada ee Gobalka) la samayn doono bisha Luuliyo 2015. EFSEC ayaa ku wargelinaysa dadwaynaha marka qabyo qoraalka EIS la shaaciyo. Dadwaynaha ayaa heli doona ugu yaraan, 30 maalmood si ay u akhriyaan ayna fikir ugu dhiibtaan qabyo qoraalka EIS. Hannaanka fasaxa EFSEC ayaa sidoo kale u baahan in EFSEC ay qabato dhageysiyo fikir uruurin ah oo ku aadan mashruuca lasoo codsaday. Taariikhaha loo mudeeyay dhageysiga iyo codsiyada lasoo gudbiyay ayaa laga heli karaa: http://www.efsec.wa.gov/Tesoro-Savage.html.


Dacwad Ku Oogista Danbiga Bii'ada

Guudmar

Attorney General’s Environmental Protection Division (Waaxda Difaaca Bii'ada ee Garyaqaanka Guud) ayaa baaraysa kadibna soo dacwaynaysa xadgudubyada daran ee ka dhan ah sharciga bii'ada ee gobalka. Waxaan la shaqeynaa U.S. Environmental Protection Agency (Wakaalada Difaaca Bii'ada ee Mareykanka), state Department of Ecology (Waaxda Deegaanka ee Gobalka), Department of Fish and Wildlife (Waaxda Kaluunka iyo Duurjoogta), Department of Natural Resources (Waaxda Khayraadka Dabiiciga ah), iyo wakaaladaha kale ee gobalka iyo federaalka. Waxaa intaas dheer, waxaan si dhow ula shaqeynaa Qareennada Dacwad Oogista ee Ismaamulka iyo United States Attorneys for the Western and Eastern Districts of Washington (Qareennada Mareykanka ee Degmooyinka Bariga iyo Galbeedka Washington). Garyaqaanka Guud Ferguson ayaa abuuray barnaamijka danbiyada bii'ada laga galo sanadkii 2013. Laga soo bilaabo waqtigaas, xafiiskeenu wuxuu abuuray dacwad oogis dambiilenimo oo dhinaca deegaanka ah kuwaasoo keenay in ka badan 30 xukun dambiyeedyo ah iyo ku dhawaad $ 5 milyan oo ah ganaaxyo, ciqaabo iyo amarada magdhawga.

Soo Sheegista Danbiyada Bii'ada (Environmental Crime Report Form)

Haddii aad ka warqabto ama ka shakido danbiyada bii'ada oo ka dhacaaya gobalka Washington:
Halkaan guji si aad u buuxiso Foomka Warbixinta Danbiga Bii'ada

Ogoow: Foomkaan waxaa loogu talagalay in lagu wargeliyo Attorney General's Office (Xafiiska Garyaqaanka Guud) suuragalnimada danbiyada ka dhanka ah bii'ada laakiin looguma talagelin inuu bedel u noqdo ka warbixinta waxyaabaha daatay, dilaacay ama fal noqon kara sharci daro oo lagu wargelinaayo Washington Emergency Management Division (Waaxda Maamulka Xaaladaha Degdega ah ee Washington), National Response Center (Xarunta Gurmadka Qaranka), ama shaqaalaha kale ee gurmadka degdega ah.

Si aad u soo sheegto wax daatay, dilaac, ama shidaal meel ku qubanaaya, ka wac Washington's Emergency Management Division (Waaxda Maamulka Tamarka ee Washington) lambarka
1-800-258-5990.

Si aad u soo sheegto xaalad degdeg ah, fadlan si dhakhso ah u wac 911.

Guji halkaan si aad u akhrido Xaashideena Xogta Danbiyada Bii'ada ee Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud (Office of Attorney General, AGO)
Ka hel xog dheeri ah oo ku saabsan danbiyada bii'ada ee ka dhaca gobalka Washington, oo uu ku jiro baaritaankooda iyo dacwad oogistooda.

Kiisaska Wakiilka

Electron Hydro LLC & Thom Fischer Washington ayaa ku qasabtay inay danbiga qirtaan shirkad iyo shaqaalaheeda fulinta oo sifo sharci daro ah u rakibtay field turf, ka samaysan cinjir, kuna rakibtay Wabiga Puyallup intii lagu jiray dhaqan gelinta mashruuca koronto dhalinta. Eedeysaneyaasha ayaa aqbalay xukunka lagu riday oo ku khasbaya inay baxshaan $1,000,000 oo ganaax iyo magdhaw ah. Si aad xog dheeri ah uga hesho kiiskaan, fadlan halkaan guji.

Pacific Foundation/Columbia Pacific Construction/Nicholas Ackerill/Sierra Santa Fe Kiisas kale, Washington ayaa ku qasabtay inay danbiyada qirtaan shirkado iyo shaqsi si sharci daro ah uga saaray qalabka xakamaynta wasaqda shidaalka gaariyaasha xamuulka taasoo xadgudub ku ah Washington Clean Air Act (Sharciga Hawada Nadiifta ah ee Washington).

State v. Cayo (Mason County District Court (Maxkamadda Degmada ee Mason County)) Washington ayaa ku guulaysatay in danbi lagu xukumo nin buuxshay oo leexshay qulqulka webiga Tahuya River oo mara Ismaamulka Mason. Falalka Mr. Cayo ayaa sababay waxyeelo wayn oo ku dhacday deegaanka iyo duurjoogta, ayna ku jiraan khatar gelinta salmon-ka iyo steelhead, taas oo ka soo horjeeda sharciga xakamaynta wasaqda iyo sharciga maamulka xeebaha. Mr. Cayo waxaa lagu xukumay xabsi, kadibna waxaa laga cafiyay xabsiga, waxaana lagu xukumay inuu baxsho magdhaw si uu usoo mago waxyeelada uu u gaystay wabiga.

State v. George Campbell and Broadband Environmental Service, Inc. (King County Superior Court, Maxkamada Sare ee Ismaamulka King) Washington ayaa ku guulaysatay in xukunka danbiga iyo ciqaabta lagu xukumo sabab la xiriirta been abuurka xogta tayada. Laga soo bilaabo 2012-2014, George Campbell shirkadiisa, Broadband Environmental Service, Inc., ayaa ka been sheegay xogta tayada biyaha ayagoo ku sheegay warbixinnada sheegaaya soo celinta biyaha loo adeegsado tababarka dabka. Sabab la xiriirta been abuurka, biyo sumaysan ee aan buuxin shuruudaha gobalka, oo ay ku jirtaan maadada saxarada ee coliform, ayaa loo ogolaaday inay gaaraan shaqaalaha dab damiska. Mr. Campbell ayaa lagu xukumay badelka waqtiga xabsiga, labo sano oo muraaqabo ah, waxaana lagu amray inuu baxsho magdhaw iyo ganaax.

State v. Ryan Lewis and Cleaner Pressure Washing, LLC (Pierce County Superior Court (Maxkamada Sare ee Ismaamulka Pierce) Washington ayaa ku guulaysatay in danbi lagu xukumo qof iyo shirkad lagu eedeeyay musuqmaasuqida adeegyada dadwaynaha, sifo sharci daro ah u daadiyay maadooyin khatar ah, iyo khatar gelin kas ah. Eedeymaha ayaa ka yimid shaqada adeegga dhaqsita gaariyaasha xamuulka ah, Cleaner Pressure Washing, LLC, oo uu gaystay mulkiilaha shirkada, Ryan Lewis. Ganacsiga Mr. Lewis ayaa ku qubay qashinka biyaha oo aashid iyo zinc ka buuxaan oo labaduba ka yimid xaruntiisa sifo sharci daro ahna ugu xiray laynka bulaacada nadaafada. Shaqaale ayaa sidoo kale ku dhacay barkad ay ka buuxdo hydrofluoric acid. Mr. Lewis iyo shirkadiisa ayaa aqbalay xadgudubyada sharciga xakamaynta wasakhda biyaha iyo sharciga maareynta wasaqda waxaana lagu xakumay ganaax u dhigma xabsi, ganaaxyo lacageed, iyo magdhaw.

State v. Rooney (Snohomish County Superior Court, Maxkamada Sare ee Ismaamulka Snohomish) Kiiskii koowaad oo lagu sameeyo Washington Animal Trafficking Act (Sharciga Tahriibinta Xoolaha ee Washington), kaasoo lagu dhaqan gashay mooshin la keenay 2015, Washington ayaa ku guulaysay in danbi lagu xakumo qof danbiile ah, kuwaasoo eedeysanuhu iibshay agab laga sameeyay foolasha maroodiyada sii dabar go'aaya. Eedeysanaha waxaa lagu xukumay 15 maalmood oo xabsi ah, 30 maalmood oo muraaqabada elektarooniga ah ee guriga, $10,000 oo ganaax ah, iyo $4,000 oo ciqaabta danbiga dabka duurka oo la siinaayo Department of Fish & Wildlife (Waaxda Kaluumaysiga iyo Duurjoogta) si looga caawiyo maal gelinta sharci fulinta mustaqbalka. Marka laga soo tago agabka eedaysanuhu ka iibiyay saraakiisha Fish & Wildlife kuwaas oo baaritaanka hide siduhu muujiyay inay ku jireen foolasha maroodiga, eedaysanaha ayaa sidoo kale been abuuray in ka badan 1,500 oo agab lamid ah oo uu guriga dhigtay.
Si aad xog dheeri ah uga hesho kiiskaan, fadlan halkaan guji.

State v. Pillon (King County Superior Court, Maxkamada Sare ee Ismaamulka King) Washington ayaa xukun danbi ah ku heshay dacwad lagu soo oogay danbiile kadib markii lagu helay inuu jebiyay Hazardous Waste Management Act (Sharciga Maaraynta Wasaqda Khatarta ah), hal danbi oo la xiriira Gaari Furfurista asagoo aan haysan ruqsad iyo hal danbi oo wayn oo la xiriira Daadinta Sharci Darada ah ee Qashinka Adkaha ah. Eedeysanaha ayaa si sharci daro ah ugu daadshay qashinka guriga, ganacsiga iyo dhismaha dhul balaaran oo dhan 10-ekar, oo meelaha qaar gaaray ilaa shan dabaq. Qashinka waxaa ku jira tobanaan gaariyaasha la furfuray ah — ayna ku jiraan gaariyaasha dab damiska, basaska iyo doomaha — boqolaal taayir, iyo qasacyada kiimikada oo aan la calaamadin oo qaada xajmi badan oo ilaa 55 galaan ah kiiba. Eedeysanaha waxaa lagu xukumay 30 maalmood oo xabsi ah, $15,000 oo ganaax ah, waxaana lagu qiimeeyay qarashka nadiifinta qashinka adag oo dhan $3.8 milyan.

Si aad xog dheeri ah uga hesho kiiskaan, fadlan halkaan guji.

Ma dooneysaa inaad hesho ogeysiisyada ku saabsan waxyaabaha kale ee kusoo kordha arimaha bii'ada?
Halkaan guji!