Washington State

Office of the Attorney General

Attorney General

Bob Ferguson

Guudmar

Public Counsel Unit (Waaxda Talo Bixinta Bulshada) ee Washington Attorney General’s Office (Xafiiska Garyaqaanka Guud) waxay ku matalaysaa macaamiisha shirkadaha adeegyada guriga ee gobalku maamulo, ee ay leeyihiin maalgashadeyaasha kiisaska la horkeeno Washington Utilities and Transportation Commission (WUTC, Gudigga Washington u qaabilsan Adeegyada Tamarta iyo biyaha iyo Gaadiidka), maxkamadaha gobalka, iyo sharci dejinta. Shaqadeena aasaasiga ah waa inaan xaqiijino in shirkadaheena sharciyada haysta ee adeegyada tamarta iyo korontadu ay qaadaan qiime cadaalad ah oo macquul ah ayna bixiyaan adeeg badqab leh oo la isku halayn karo. Shirkadaha adeegyada tamarta iyo biyaha ee sharciyada haysta waxaa kamid ah shirkadaha isgaarsiin, Lumen Technologies (CenturyLink) iyo Frontier; shirkadaha korontada iyo gaaska, sida Puget Sound Energy, Avista Utilities, iyo PacifiCorp; iyo shirkadaha gaaska sida Northwest Natural iyo Cascade Natural Gas.  Waaxda Public Counsel ayaa sidoo kale ka qaybgasha, ama uu sharcigu u fasaxayaa inay ka qaybgasho, arrimaha quseya biyaha, gaadiidka, iyo dhuumaha shidaalka ee la horkeeno WUTC. Kooxdeena ayaa ka kooban saddex qareen, afar khabiir oo sharciyad haysta, hal kaaliye sharci, iyo labo kaaliyaasha sharciga ah.

Xog Aasaasi ah oo ku saabsan Public Counsel

Baarlamaanka ayaa ku amray AGO inay "ku matasho ayna u soo xaadirto dadka gobalka Washington" arrimaha quseeya Sharciga Title 80 iyo 81 Revised Code of Washington (RCW, Xeerka Dib loo eegay ee Washington).  (RCW 80.01.100, 80.04.510, iyo 81.04.500.)  Waaxda Public Counsel waxay matashaa macaamiisha deegaanka iyo ganacsiyada yaryar ee shirkadaha korontada, gaaska dabiiciga ah, iyo isgaarsiinta ee gobalka aqoonsiga ka haysta kana shaqeeya Washington.  Public Counsel kama qaybgasho arrimaha quseeya shirkadaha adeegyada ee dawladu leedahay, sida Seattle City Light ama Snohomish Public Utility District, waayo shirkadaha adeegyada ee dawladu maaha kuwo uu gobalku maamulo. Public Counsel waxay leedahay awood sharci oo ay ku matalayso dadwaynaha arrimaha la xariira gaadiidka, dhuumaha shidaalka ama biyaha, iyo biyaha ee la horkeeno Washington Utilities & Transportation Commission (Guddiga Gaadiidka iyo Adeegyada Korontada ee Washington), ayna ku jiraan arrimaha saamaynta wayn ku leh badqabka dadwaynaha.

Marka laga hadlaayo adeegyada tamarta iyo biyaha, Public Counsel waxay u doodaa macaamiisha ku jira kiisaska la horkeeno WUTC ee quseeya qiimeyaasha adeegga guriga, isku biirista iyo iibabka, barnaamijyada hufnaanta tamarta, tayada adeegga, iyo arimaha kale ee la xariira xeerarka. Haddii shirkad bixisa adeegyada tamarta iyo biyaha ay doonayso inay badesho qiimaha laga qaado macaamiisha, Public Counsel ayaa baaraysa codsiga Shirkada badanana qaadata marqaatiyaal khubaro ah oo qiimaynaada wax ka badalka qiimaha ee la codsaday. Public Counsel ayaa gudbinaysa cadaynta qoraalka ah ee marqaatiyaasheeda khubarada, qiimeyn kula samaynaysa khubarada kale ee goobjooga ah ee shirkadaha kale, kadibna faahfaahin sharci bixinaysa ayadoo wakiil ka ah macaamiisha.

Public Counsel waxay ka qaybgashaa sharci dejinta WUTC ayadoo fikir ka dhiibata sharciyada qabyada ah ee wakaalada bixisana tallooyin ku aadan xeerka. Public Counsel waxay sidoo kale ka qaybgashaa kooxaha xeerka farsamada iyo kooxaha talo bixinta ee ay abuurto UTC ama shirkadaha adeegga, waxay dalbataa in dib u eegis garsoor lagu sameeyo go'aannada gudigga marka loo baahdo, waxayna tilmaan siin kartaa baarlamaanka iyo sharci sameeyaasha kale.

Public Counsel shaqadeeda maaha inay ka jawaabto cabashooyinka gaarka ah ama su'aalaha. Waxaan ku boorinaynaa macaamiisha u baahan caawimaada gaarka ah (tusaale, adeeg gaar ah ama cabasho dhanka qarashka ah) inay la xariiraan waaxda Consumer Protection and Communications Section (Difaaca iyo Xariirada Macaamiisha) ee WUTC. Waxaa laga wici kara taleefanka oo ah 1-888-333-WUTC (9882), ciwaanka iimeelka oo ah comments@utc.wa.gov ama in qoraal loogu diro ciwaanka UTC oo ku taala P.O. Box 47250, Olympia, WA 98504.

Citizen Advisory Committee

Markii Attorney General Ken Eikenberry uu aasaasay Public Counsel sanadkii 1983, wuxuu abuuray Citizen Advisory Committee (CAC, Gudigga Talo Bixinta Muwaadiniinta) si ay ula shaqeeyaan qaybaha muhiimka ah ee bulshada.  Xubnaha gudigga CAC waxaa kamid ah ganacsiyada yaryar, danyarta, waayeelka iyo dadka ku jira daryeelka mudada dheer, kooxaha bii'ada, shaqaalaha, iyo beeraha, waxayna matalaan danaha kaladuwan ee dhammaan dadka gobalka.  CAC waxay xog ka siiyaan Public Counsel masaalixda iyo cabashooyinka dadka. CAC waxay la kulmaan Public Counsel afar jeer sanadkii si ay ugala hadlaan arrimaha UTC ee quseeya waaxaha ay matalaan.

Haddii ururkaagu uu xiisaynaao shaqada CAC, fadlan iimeel udir ciwaanka utilities@atg.wa.gov.

Fikradaha Dadwaynaha

Fursadaha Fikradaha Dadwaynaha

Washington Utilities and Transportation Commission (WUTC, Gudigga Washington u qaabilsan Tamarta iyo Biyaha iyo Gaadiidka) ayaa doonaysa fikradaha dadwaynaha marka ay go'aan ka gaarayaan soo gudbinta qiimaha, adeegga, iyo xeerka. Codkaaga ayaa abuuri kara isbadel. Fikradaha ayaa lagu dhiiban karaa si toos ah, in laga qaybgalo dhagaysiga talada dadka, kulanka furiinka, qoraal ahaan, ama in foomka fikradaha oonleenka lagusoo diro. Inta badan hawlaha WUTC, dhammaan tallooyinka qoraalka ah iyo kuwa afka laga dhaho ayaa lagu daraa diiwaanka cadaynta ee hawshaas gaarka ah.

Sida Fikir loo dhiibto

Fikradaha macaamiisha ee ku aadan qiimaha, isku biirista shirkadaha, sharci dejinta, kulannada furan iyo kiisaska kale ayaa fikir muhiim ah ka siiya gudigga intay gaarayaan go'aannada.  Marka aad fikir dhiibanayso, waa inaad ku dartaa Lambarka Diiwaanka ee Washington Utilities and Transportation Commission (WUTC, Gudigga Washington u qaabilsan Tamarta iyo Biyaha iyo Gaadiidka) ee qadiyada aad fikirka ka dhiibanayso. Waxaad gudbin kartaa fikradaha adoo la xariiraaya WUTC:

  • Qoraal ugu diraaya: P.O. Box 47250,Olympia, WA 98504-7250

Fadlan soo raaci ciwaanka jawaabta laguugusoo diraayo iyo sharaxaada gudbinta;

  • Iimeel ugu diraaya comments@utc.wa.gov;
  • Oonleen ugu diraaya adoo gujinaaya halkaan; ama
  • Adoo wacaaya lambarka bilaashka ah 1-888-333-WUTC (9882).

Waxa aad ka filan karto Kulanka Dhagaysiga Dadwaynaha

Gudoomiyaasha (gudi ka kooban saddex qof oo uu magacaabay Gudoomiyaha Gobalka ayna ansixiyeen Washington State Senate (Aqalka Sare ee Gobalka Washington)) ayaa tagi kara aaga adeegga ee Shirkada si ay fikrado dadwayne usoo aruuriyaan ayna u keenaan Kulanka Talo Bixinta Dadwaynaha. Qasab maaha inaad khabiir ku noqoto sharciga adeegga guriga si aad u bixiso faallo, laakiin waxaad si keliya qeexi kartaa soojeedinta Shirkada ee laga hadlaayo ee ku quseeya. Tallooyinka dadwaynaha ayaa muhiim u ah gudoomiyaasha waayo dadka baxsha qiimaha adeegga ayaa xog muhiim ah ka haya tayada adeegga shirkada.  Waxaad ka qaybgeli kartaa kulan dhagaysi ah si aad u daawato, ama waxaad dooran kartaa inaad tallo hadal ah ka hor dhiibato gudigga. Waxaad bixin doontaa fikirkaga adoo lagu dhaarinaayo, diiwaan hayaha maxkamada ayaana qori doona waxa aad sheegto.  Fikradaha aad bixiso ayaa intaas kadib noqonaaya qayb kamid ah diiwaanka caddaynta. 

Xog ku saabsan Kiisaska Qiimaha iyo Dhagaysiyada

  • Waxaad xog badan ka ogaan kartaa kiisaska qiimaha iyo hanaanka qiimo dejinta adoo booqanaaya bogga WUTC ee Hanaanka Sharciga.
  • Waxaad ka fiirin kartaa kiisaska waawayn ee wali socda bogga WUTC ee dhagaysiyada.
  • Waxaad ka fiirin kartaa Jadwalka Kulanka Dadwaynaha bogga WUTC ee kulannada furan.
  • Si aad xog badan uga ogaato hanaanka sharci sameynta, booqo bogga WUTC ee hanaanka sharci samaynta.  
  • Waxaa intaas dheer, fiiri kalaandarka WUTC si aad u hesho waxyaabaha soo socda si aad ula socoto!

Xaashiyaha Xogta Kiiska Public Counsel

Washington Utilities and Transportation Commission (WUTC, Gudigga Washington u qaabilsan Tamarta iyo Biyaha iyo Gaadiidka) ayaa mararka qaar u mudayn doonta Kulannada Dhagaysiga Fikradaha Dadwaynaha dacwadaha kiisaska kaladuwan. Public Counsel (Gudigga Talo Bixinta Bulshada) waxay diyaarisaa xaashiyaha xogta kiiska ee macaamiisha iyo xubnaha bulshada ee doonaaya inay ka qaybgalaan kulannadaan dhageysiga dadwaynaha. Sabab la xariirta xanibaadaha COVID-19, kulannada dhagaysiga dadwaynaha ayaa lagu qaban doonaa oonleenka keliya, waqti xaadirkaan. Macaamiisha iyo dadwaynaha ayaa ka qaybgeli kara kalana socon kara kulannada khadka taleefanka ama kumbuyuutarkooda ayagoo adeegsanaaya xogta halkaan ku lifaaqan.

Caawimaada Macmiilka

Cabashooyinka Quseeya Adeegyada Sharciga ah ee Guryaha (Isgaarsiinta, Gaaska, iyo Korontada)

The Washington Utilities and Transportation Commission (WUTC, Gudigga Washington u qabailsan Adeegyada Tamarta iyo Isgaarsiinta iyo Gaadiidka) ayaa maamula qiimeyaasha iyo adeegga shirkadaha adeegga iyo gaadiidka ee gaarka loo leeyahay ama maalgashaduhu leeyahay. Shirkadahaan waxaa kamid ah Avista, Puget Sound Energy, PacifiCorp, Cascade Natural Gas, iyo NW Natural Gas. Khubarada difaaca macmiilka ee WUTC ayaa awooda inay kaa caawiyaan arrimaha quseeya khilaafaadka qarashka, cabashooyinka adeegga, ogaysiisyada adeeg jarista, iyo waxyaabo kale. Fadlan ogoow in WUTC aysan qaban cabashooyinka quseeya public utility districts (PUD) ama shirkadaha adeegga ee magaalada. Haddii ay adeegga ku siiso shirkada adeegga dawlada ama shirkad magaaladu leedahay, waa inaad la xariirtaa shirkadaada si laguu caawiyo. Si aad u hesho liiska faahfaahsan ee cabashooyinka ee UTC ay aqbalayso, fadlan akhri Marka aad Wici Karto Gudigga.

Cabashooyinka Quseeya Adeegyada Aan Gobalku Sharciyayn ee Guryaha

Shirkadaha adeegyada ee ku shaqeeya public utility districts (PUDs), shirkadaha waawayn (co-ops), iyo shirkadaha adeegyada ee magaalada maaha kuwo ay maamusho WUTC, waaxda Public Counsel (Gudigga Talo Bixinta Bulshada) na door kuma lahan arrimaha quseeya shirkadaha adeegga ee noocaan ah. Macaamiisha shirkadaha adeegga PUD, magaallada, ama kuwa iskaashatada waa inay toos ula xariiraan shirkada ay adeegga ka qaataan si ay ugala hadlaan arrimaha qarashka ama tayada adeegga.  

PUDs waa shirkado waawayn oo magaaladu leedahay kuwaasoo ay maamulaan gudoomiyaasha PUD kuwaasoo ay doortaan dadka degan degmada. Haddii aad cabasho ka qabto PUD, la xariir Golaha Gudoomiyaasha PUD ee degmadaada.

Shirkadaha Korontada ee Magaalada, sida Seattle City Light, waxaa maamusha mulkiyadoodana leh magaalada. Cabashooyinka quseeya shirkadaha noocaan ah waa in loo diraa maamulka magaalada, kuwaasoo badanaa ah dawlada hoose, ama waxaad toos ula xariiri kartaa shirkada adeegga.

Shirkadaha wadaaga ah waxaa leh saamileeyda ay ka dhexeeyaan. Caadiyan, dadka ayaa dhisa shirkad wadaag ah marka ay ku nool yihiin meel ka baxsan aaga adeegga ee shirkad kale oo adeeg koronto bixisa. Cabashooyinka waa in toos loogu diraa shirkada wadaaga ah ama Xarunta Xogta Macaamiisha ee Attorney General’s Office (Xafiiska Garyaqaanka Guud).

Cabasho u gudbi UTC

  • Wac lambarka bilaashka ah ee 1-888-333-WUTC (9882);
  • Ku dir foomka cabashada ee oonleenka ah halkaan;
  • Iimeel ugu dir consumer@utc.wa.gov; ama
  • Waraaq boostada ugu dir UTC oo kutaala P.O. Box 47250, Olympia, WA 98504.

Caawimaad ku aadan Qarashaadka Tamarta

Kaydinta ayaa ah qaabka tooska ah ee badanaa ugu fudud ee aad ku yarayn karto qarashaadka tamarta. WUTC waxay badanaa bixisaa tilmaamo ku aadan sida loo tashiilo tamarta gurigaaga. Qaar badan oo kamid ah shirkadaha gaaska iyo korontada ayaa siiya barnaamijyada tashiilida tamartamacaamiisha. Laakiin, marar badan, tashiilida isticmaalka tamarta ayaan xalin karin baahidaada.

Dad badan oo ku nool Washington ayaa waajahaaya xaalado adag oo dhaqaale una baahan caawimaad. Shirkadaha adeegyada ayaa caadiyan leh lacag u diyaarsan in lagu caawiyo yaraynta culayska qarashaadka tamarta ee bilkasta laga qaado macamaiisha danyarta ah. La xariir shirkadaada adeegga haddii aad awoodi la'dahay bixinta qarashka korontadaada ama gaaska dabiiciga ah. Waxaa intaas dheer, Washington’s Low Income Home Energy Assistance Program (Barnaamijka Caawimaada Tamarta Guriga ee Dadka Danyarta ah ee Washington) ayaa caawimaad heer federaal ah siiya macaamiisha tamarta ee buuxsha shuruudaha dakhliga iyo shuruudaha kale ee u qalmida. Webseedka Energy Assistance Program ayaad ka helaysaa xog ku saabsan caawimaada qiimaha oo ku salaysan hadba degmada aad joogto, ayna ku jiraan shirkadaha magaalada, shirkadaha wadaaga ah, iyo shirkadaha adeegga ee dawladu maamusho.

Waxaa intaas dheer, barnaamijyada biilka miisaaniyada ayaa yaraynaaya culayska qarashaadka badan ee tamarta inta lagu jiro xiliga qaboobaha ayadoo laga qaadaayo macaamiisha qiimo bile ah oo cayiman laguna salaynaayo celcleliska isticmaalka.

Caawimaada Taleefanka

Qarashaadka taleefanka ayaa noqon kara wax dhib badan in la akhriyo lana fahmo. Tusmadaan Qarashka Taleefankaaga ayaa kaa caawinaaya sharaxaada adeegyada, qarashaadka, lacagaha iyo canshuuraha aad ku arki karto biilka taleefankaaga layn-laynka.

Waxaa jira Lifeline Program (Barnaamij Layn Toos ah) oo ay helayaan macaamiisha dakhli ahaan u qalma. Si aad u hesho xog dheeraad ah, fadlan booqo webseedka Federal Communications Commission (FCC, Gudigga Isgaarsiinta Federaalka).

Xogta Guud ee Macmiilka

WUTC waxay bixisaa ilaha khayraadka macaamiisha oo dheeraad ah oo ay ku qoraan Daabacaadaha Xogta Macmiilka, kuwaasoo jawaab ka bixinaaya su'aalo badan oo aad la iskuwaydiiyo kuna saabsan shirkadaha korontada, gaaska, taleefanka, iyo biyaha ee ay maamusho WUTC.

Waxaa intaas dheer, FCC waxay xog muhiim ah iyo caawimaad siisaa macaamiisha. Consumer & Governmental Affairs Bureau (CGB, Laanta Arimaha Macmiilka iyo Dawlada) ee FCC ayaa abuurta kadibna dhaqan gelisa xeerarka macmiilka ee gudigga, ayna ku jiraan helitaanka adeegga dadka naafada ah. CGB waa laanta arimaha dadwaynaha ee FCC ayadoo samaysa iskuxir iyo wacyi gelin, sidoo kalana maamusha Xarunta Macaamiisha, taasoo masuul ka ah ka jawaabida su'aalaha iyo cabashooyinka macaamiisha.

FCC waxay maamushaa adeegyada isgaarsiinta, interneedka, raadiyaha, saxamada satalaydka, warbaahinta teleefishinka iyo idaacadaha, iyo adeegyada interneedka simikaarka. CGB waxay sidoo kale maamushaa iskaashiyada wada shaqaynta ee ay la leedahay gobalka, dawlada hoose, iyo maamulka qabiillada ee goobaha muhiimka ah sida diyaar garoowga xaaladaha degdega ah iyo dhaqan gelinta tignooloojiyado cusub. Si aad u hesho xog dheeraad ah, guji halkaan.

Nalasoo Xariir

Su'aalaha quseeya Public Counsel

Fadlan Ogoow: Waaxda Public Counsel (Guddiga Talo bixinta) ee Washington Attorney General’s Office (Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Washington) waxay ku matalaysaa danaha dadka deegaanka iyo ganacsiyada yaryar dacwadaha la horkeeno Washington Utilities and Transportation Commission (UTC, Gudigga Washington u qaabilsan Adeegyada Tamarta iyo isgaarsiinta iyo Gaadiidka). Keliya shirkadaha adeegyada taleefanka, korontada iyo gaaska dabiiciga ah ee ay leeyihiin shirkadaha maalgashadeyaasha ama saamileeyda waxaa maamula gobalka sidaas awgeedna ma quseeyaan Public Counsel; xafiisku awood uma lahan inuu xaliyo arimaha macaamiisha shirkadaha dawladu maamusho, tusaale, Public Utility Districts (PUD, xarumaha adeegga ee dawlada) iskaashatada saamileyda, iyo shirkadaha magaallada sida Seattle City Light).

Waxaa intaas dheer, Public Counsel shaqadeeda maaha inay ka jawaabto cabashooyinka gaarka ah ama su'aalaha (tusaale ahaan, cababasho gaar ah oo la xariirta adeeg ama qarash). Macaamiisha shirkadaha adeegga ee xafiisku maamulo ee doonaaya inay cabasho soo gudbiyaan waa inay la xariiraan WUTC.

Su'aalaha guud ee la xariira maamulka shirkadaha dawlada ama doorka Public Counsel ee ka qaybgalka dacwadaha UTC ayaa loo gudbin karaa:

Attorney General's Office
Public Counsel Unit
800 Fifth Ave. Suite 2000
Seattle, WA. 98104-3188

Taleefanka:(206) 464-7744
Fakiska: (206) 464-6451
Iimeelka: utility@atg.wa.gov